4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Xildhibaanno Mareykan ah oo Somalia u dalbay lacag kaalmo ah oo ku dhow 88-Milyan oo Dollar


Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan Congress-ka Mareykanka, oo uu ka mid yahay mudane Keith Ellison, ayaa saxiixay warqad ay guddiga arrimaha dibadda ee Congress-ka kaga dalbanayaan lacag dhan 87.7 milyan oo dollar, taasoo lagu caawinayo sida ay sheegeen hay’adaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mudanayaashan oo tiradoodu ay tahay 16 ayaa sheegay in lacagtan wax looga qaban doono kaabayaasha dhinaca dhaqaalaha Somalia, waxayna intaas ku dareen in Somalia ay xilligan wajahayso abaarro adag oo ka dhashay aafadii ka dhalatay El-Nino.

Sidoo kale, Mudanayaashan ayaa xusay in guulo waa-weyn laga gaaray dagaalladii dhanka ka ahaa Al-shabaab, sidaas darteedna ay doonayaan in la sii xoojiyo dhismaha iyo awoodda Dowladda Soomaaliya.

Xubnaha ayaa qoraalkooda ku xusay inay aamisan yihiin in yareynta codsiga miisaaniyada gargaarka Mareykanka ee sannadka 2017-ka oo ah 79-milyan ee doollar, aysan ku fulinayn wax ka qabashada dhibaatooyinka abaareed ee Somalia ka taagan xilligaan, oo sababi karta in ku dhawaad hal milyan oo qof oo Somali ah ay ciriiri u galaan sidii ay ku heli lahaayeen cunno.

“Dhaqaalahan waxaan doonaynaa in lagu taageero nidaam adag oo sharci ah oo xoojinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayay Xildhibaannadani warqadooda codsiga ah ku sheegeen.

Mudanayaashan ayaa waxay kaloo qoraalkoodan ku xuseen in Somalia ay ku jirto xilligaan Xaalad adag, ayna Waajib tahay in Mareykanku uu bixiyo Gar-gaar muuqda, si loo xoojiyo guulihii la gaaray sannadihii lasoo dhaafay.

“Waxaan ku baaqaynaa in la taageero guulihii ay gaareen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ka socda ee AMISOM oo ay taageerayeen Mareykanka iyo wadamo kale oo caalamka ah,” ayay Qoraalka ku xuseen xildhibaannadan Congress-ka Mareykanka ka tirsan.

Dhanka kale, Mudane Keith Ellison ayaa Warqad kale oo uu si gaar ah qoray, wuxuu kaga Dalbaday ha’yadda USAID, inay kordhiso Kaalmadeeda Bariga Afrika, si wax looga qabto dhibaatada abaareed ee ay sababeen dabeylihii daadadka watay ee El-Nino ee gobolkaas.

Qoraalka warqaddaan, ayaa lagu xusay in 10-milyan oo qofo oo Itoobiyaan ah ay xiligan u baahan yihiin kaalmo cunno, kuwaasoo ay saameeyeen abaarta dalkaas ku dhufatay. Dalka Suudaan ayaa isna la sheegay toddoba milyan oo ruux inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, kuwaasoo ay saameeyeen roobabkii dabeysha watay ee El-Nino.

Ugu dambeyn, Baaqa xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanak ayaa imaanaysa, xilli dhawaan Qaramada Midoobay ay ka digtay in abaaraha qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ka taagan ay khatar weyn ku hayaan Malaayiin qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya