4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
RW Somalia iyo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta kulan ku yeeshay Beledweyne


Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Kulankan oo labo qaybood ka koobnaa, ayaa wajigiisii hore, Waxaana Goob-joog ka ahaa odayaasha-dhaqanka iyo Xubno ka tirsan Bulshada oo u joogay goobta inay dhageystaan doodda la xiriirta khilaafka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee dhax-martay wafdiga RW Sharm'arke iyo afar duub-dhaqameed oo uu hoggaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli-galin ka bixineyso sida uu hadalka u dhigay - qaladaad ka dhacay muddadii lagu guda-jiray diyaarinta Qorshaha dhismaha Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Dhinaca kalana wuxuu xusay in wax lala yaabo aysan ahayn in arrimaha qaarkood la isku-qabto, taasoo uu sheegay inay ahayd khibrad laga korarsaday dhamaanba maamulladii soo dhismay oo dhamantood marka hore beelaha isku diidanayeen.

“Waxaan ku faraxsannahay maanta in ra'iisal wasaaraha iyo wafdiga Dowladda isa soo hor fariistaan Ugaasyada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada gobolka Hiiraan, isla markaana si furan uga wadda-hadalno tabashooyinka jirra iyo dariiqa ugu sahlan ee la qaadi karo, si loo sii anba-qaado howshii soctay ee dhismaha maamulka labada gobol,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Odawaa, ayaa rajo-wanaagsan ka muujiyay in ugu danbeyntii is-faham laga gaaro dhamaan qodobada la isku hayo, Dowladda Federaalka dhinaceedana ay diyaar u tahay inay ka-garowdo wixii khaladaad ah ee jira oo uu xusay inay ku dhaceen hab-farsamo.

Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad oo hadalka qaatay wasiirka kaddib, ayaa sheegay in goboka Hiiraan ka mid ahaa lixdii gobol ee Somalia iyo sideedii gobol ee lagu aasaasay Somalia, haddana ka mid yahay 18 gobol ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arin aan cadaalad ku aheyn Habka Saami-qaybsiga guud ahaanba Waddanka, marka laga hadlayo Nidaamka dowladnimada.

Ugaaska ayaa ka dalbaday wafdiga uu horkacayo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya in  marka hore gobolka Hiiraan la siiyo xaqa ay heleen toddoba Gobol ee kale ee Somaaliya, isagoo dhinaca kalana qodobka labaad ku sheegay in magaalada Beledweyne la dhigo gobol dib-u-hishiiisiin ah.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isna hadal ka jeediyay kulanka, ayaa sheegay in mar walba dhismaha maamulka loo baahan yahay in laga hormariyo dib-u-hishiisiin iyo inay bulshadu u madax-banaan tahay in ay ka hadasho rabitaankeeda, isaga oo ka dalbaday wafdiga DF in ay ku dhawaaqaan gogol dib-u-hishiisiin ah oo laga furo magaalada Beledweyne.

“Dhismaha maamul iyo dowladnimo waxaa laga hadli karaa oo kaliya marka ay bulshadu is ogashahay oo ay hishiis yihiin, bulsho aan is ogoleyn, hishiisna aan aheyn waxba ma wada-dhisan karaan, sidaa awgeed marka hore waa in dowladdu ku baaqdaa gogol dib-u-hishiisiin ah oo la dhigo magaalada Beledweyne,'' ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaaska oo si gaar ah diirrada u saarayay dib-u-hishiisiinta oo kaliya ayaan mar-naba soo hadal-qaadin arrinta la xiriirta dhismaha maamulka labada gobol iyo shirka Jowhar oo si weyn ay xoogga u saarayeen xubanaha wafdiga dowladda.

Ra'iisal Wasaare Sharma’arke oo isagana kulanka ka hadlay ayaa ka war-wareegtay labada qodobo ee ay Ugaasyadu ka hadleen ee kala ahaa dib-u-hishiisiinta iyo maqaamka gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in ujeeddada socdaalkooda la xiriirto oo kaliya sidii ay Tallada dhismaha maamulka labada gobol dib loogu soo celin lahaa gacanta duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday Ugaasyada iyo weliba odayaasha inay fududeeyaan sidii loo Amba-qaadi lahaa dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

''Waan gar-waaqasannahay, in Gobolka Hiiraan uu yahay gobol ballaaran oo ka mug-weyn gobolka Shabeellada Dhexe oo ah gobol ka farcamay Gobolka Banaadir, Laakiinse hadda waxaan ka hadlayno waa awood-qeybsi iyo sidii maamul ay raalli ka yihiin dadka labada gobol loo dhisi lahaa, dabcan waa laga wadda-hadli karaa qaabka maamulka u dhismayo, iyo habka awooda loo qeybsanayo, laakiin waxaa muhiim ah in leysla fahmo muhiimada dhismaha maamulkan u leeyahay dowladda iyo bulshada labada gobol intaba,'' ayuu yiri ra'iisal wasaaraha oo si gaar ah diirrada u saarayay muhiimada maamul loo sameeyo labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Ra'iisal wasaaraha ayaa markii danbe codsaday in kulan gaar ah ay wadda-qaataan wafdiga dowladda Somalia iyo Ugaasyada oo markii danbe shir gaar ah ku galay xarunta maamulka gobolka.

Sidaas daraaadeed Shirka oo lasoo gaba-gaboobay ayaan si rasmi ah loo ogeyn qodobbada looga wada-hadlay, inkastoo waraka qaarkood ay sheegayaan in Ugaasyadu ay weli ku Ad-keysteen mowqifgoodii hore ee dib-u-hishiisiinta iyo in marka hore ay beelaha wada-dega Gobolka Hiiraan Wada-hadlaan.

Ugu danbeyn, lama oga muddada wafdiga RW Sharm'arke ay sii joogi doonaan magaalada Beledweyne, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya saacadaha soo socdaba laga yaabo in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiran Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya