4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
Booliska Belgium oo sheegay in baadi-goob ay ku hayaan Ninkii Abaabulay Qaraxyadii Shalay


Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Booliiska dalka Beljam-ka ayaa baadi-goobaya nin la sheegay inuu ka dambeeyay abaabulka qaraxyadii Salaasadii shalay Garoonka magaalada Brussels iyo xarun laga raaco tareennada oo ku dhow, kaasoo ay ku geeriyoodeen 35-qof.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ninkan sawirkisa laga dhex-arkay kaamirooyinka ku xiran garoonka ee ilaalinta ammaanka loogu talo-galay, inkastoo aan la ogeyn dalka uu ka soo jeedo ninkan la tuhunsan yahay.

Waxay Saraakiisha Booliisku intaas ku dareen in labo nin oo kale oo Ninkaas ku wehliyay weerarkii garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ay is-qarxiyeen, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen laba wiil oo walaalo ah.

Qaraxyadii ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brusells iyo xarunta Tareennada ee dhulka hoostiisa marta, ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 34-qof, iyadoo 250-qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, Booliiska Belgium ayaa ugu baaqay dadkii Qaraxyadaas ku duubay Taleefoon-nadooda gacanta ee Mobiles-ka loo yaqaanno iyo kaameerooyinka inay hay'adaha Amniga u keenaan si ay uga caawinayaan baaritaannada ay wadaan.

Dhanka kale, Ciidammo fara badan ayaa la geeyay Gudaha Magaalada Brussels, Waxaana Booliisku ay gacanta kusoo dhigeen Kiimiko, waxyaabaha qarxa iyo Calanka kooxda ISIS, kaddib markii ay hawl-gal ka sameeyeen xaafad ka tirsan Brussels.

Ugu dambeyn, Weerarradan ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish iyagoo kusoo beegmaya afar maalmood kaddib markii magaalada Brussels lagu qabtay Salah Abdisalam oo ahaa kii lagu tuhumayay inuu ka dambeeyay Weerarkii Sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya