4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
Hormuud Foundation oo Muqdisho ka billowday Barmaamij lagu Caawinayo Taxiilka (SAWIRRO)

Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Hay’ada Hormuud Foundation ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka billowday Barnaamij ay ku caawinayso Dadka laga soo tarxiilo dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Barnaamijkan oo in muddo socday ayaa midkii ugu dambeeyey waxaa ka faa’iideystay 55 Ruux oo Soomaali ah, oo laga soo Tarxiilay Boqortooyada Saudi Araiba, kuwaasoo shalay laga soo dajiyay garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan hay’adda Hormuud Foundation ayaa ruux kasta oo ka mid ahaa dadkaan lasoo tarxiilay siiyay - SIM Card ay ku jiro 5-doollar oo hadal iyo $10 doollar oo kaash ah, si ay tagaasi ugu kiraystaan, ulana xariiraan ehelladooda kala jooga gudaha iyo dibaddiisa.

Dadka nasiibka u yeeshay inay barnaamijka ka faa’iideystaan gudaha garoonka kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in laga soo qabtay magaalooyin kala duwan ka tirsan Saudi Arabia iyagoo xaalado kala duwan ku sugan loona taxaabay xabsi kaasoo ay ku xirnaayeen muddo bil ka badan, waxayna Hey’ada Hormuud uga mahad-celiyeen caawinta ay u fidisay markii ay Muqdisho soo gaareen.

Talaabadaan, ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah dadka tarxiilka ah oo marka ay kasoo degaan garoonka Muqdisho u lugeyn jiray degmooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, iyadoo shirkaddu ay xustay inay caawin doonto dadka talxiilka ah maadaama aysan haysan lacago ay tagaasi ku raacaan markay garoonka kasoo dagaan.

“Koox ka tirsan shaqaalaha iyo Mas'uuliyiinta Hormuud Telecom Foundation, ayaa maalin kasta xaadir ku ah Garoonka Muqdisho, si ay kaalmadaan u gaarsiiyaan dadka tarxiilka ah, ujeeddada laga leeyahayna waa in la caawiyo dadkan oo qaar laga soo qabto waddooyinka, iyagoo jeebkoodu maran yahay,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah hawl-wadeennada hay'adda Hormuud Foundation.

Ugu dambeyntii, Hay’adda Hormuud Foundation ayaa kaalmooyin kala duwan dalka horay uga bixiyay, iyagoo mar walba ka dhex-muuqda hay’adaha kala duwan ee Caawinaadda ka bixiya gudaha dalka marka ay dhibaatooyinku jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya