4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2016
Al-shabaab oo soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal oo ay ku Furteen Weerarkii Laanta-buuro (Sawirro)

Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay shalay ku qabsadeen weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay Al-shabaab sheegtay inay ku dileen in ku dhow 70-askari.

Saldhigga ay Al-shabaab weerartay oo 40-km dhinaca Koonfureed Muqdisho kaga beegan, ayaa waxay sheegeen inay ka qaateen toddoba gaari oo ay sheegeen inay isugu jireen kuwa dagaalka iyo kuwa kale ee ay ciidamadu isticmaalaan.

Gaadiidkaan ayaa waxaa ka mid ah; Shan kuwa Qoryaha lagu rakibo ah, ee ay Istimcaalaan ciidamada dowada Soomaaliya, waxaa kaloo ku jira gaariga loo yaqaan PG-ga oo dhawaan ciidamada dowladda Somalia loogu deeqay.

Bandhigga gaadiidkan dagaal ee dowladda Somalia laga furtay, ayaa kusoo beegmaya, xilli sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo shalay warbaahinta la hadlay uu sheegay in Al-shabaab ay hal gaari oo keliya ka qaateen saldhigga ayna kasoo dhigeen.

Ugu dabmeyn, Xoogaga Al-shabaab ayaa dhawaanahan wadday weerarro gaadmo ah oo ay la beegsanayso saldhigyada ay Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa kale ee AMISOM ku leeyihiin gobollada Koonfureed ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya