4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
Gudiga Somali Peace Aword ee Norway oo Abaal-marin Guddoonsiiyay PROF. Dufle (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Hay’adda Somali Peace Aword, ayaa Guddoonsiisay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed abaal-marin, kaddib xaflad ballaaran oo xalay lagu qabtay Magaalada Oslo ee xarunta dalka Norwey.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb-galay xubno badan oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ku nool, mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale oo xafladdaan lagu casuumay.

Guddiga Somali Somali Peace Aword oo kooban shan xubnood oo kala ahaa; Abdirashid Ahmed  Maygaag, Ali Hassan Ibrahim (Ali Mataan), Ubax Abullahi Aden, Osman Hashi Kariye iyo Eng. Abdiqadir Khalif ayaa kulan  isugu yimid 19-kii Maarso, 2016-kii waxay ku dhowaaqeen in sanadkan abaal-marinta Somali Peace Aword uu ku guuleystay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah dhaqtar Soomaaliyeed.

Ubax Abdulahi Aadan oo ka mid aheyd guddiga gudiga loo soo xulay iney doortaan qofka abaal marinta mudan ayaa sharaxaad ka bixisay sababta loo doortay Prof. Cismaan Dufle, waxayna sheegtay in dhaqtarku waxqabad iyo dedaal naf hurnimo ah u galay shacabka Soomaaliyeed xiligii burburka.

“Markii aanu aragnay shuruudaha guddiga ee u yaalla ruuxa la siinayo abaal-marinta oo ay ka mid yihiin, inuu yahay qof wax u huray umada iyo dalka, inuu yahay qof aan ku lug laheyn burburka iyo dhibaatada dalka ka dhacday bulshadana ugu shaqeeya si hagar la’aan ah, inuu yahay qof wax muuqda ku kordhiyay nabada iyo horumarka dalka, inuu yahay qof shaqadiisa saameyn balaaran ku leedahay bulshada ayaa waxaan go’aansanay in abaal marintan uu mudan yahay Dr. Dufle oo ah dhaqtar iyo siyaasi Soomaaliyeed,” ayey tiri Ubax Abdulahi Aadan.

Mohamed Saadaq (Qorsuul) oo ah hal abuuraha Somali Peace Award ayaa ka hadlay sida uu u suurta galiyay heyaddan oo uu fikirkeeda lahaa wuxuuna xusay inuu aasaasay bishii July, 2015-kii, kaddib markii uu taageero ka helay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada Oslo Norway wuxuuna u hambalyeeyey Dr. Dufle oo ku guuleystay abaal marinta sanadkan isagoo xusay in sanad walba ay abaal marin tan la mid ah siin doonaan dadka bulshada waxtarka u leh.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho khadka telefanka kaga qeyb qaatay xafladan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norwey iyo guddiga Somali Peace Award ee guddoonsiisay abaal marinta nabada iyo waxtarka bulshada isagoo dhinaca kale ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee isaga iyo dhaqaatiir la shaqeynaysay ay u soo galeen wax u qabashada bulshada xiligii lagu jiray duruufaha adag.

“Sanadkii 1992-dii markii ay dhaceen dagaaladii kala qeybiyey Xamar ee qaxa iyo barakacii ugu darnaa uu dhacay, dhaqaatiirtiina intooda badan ay dibeda u baxsadeen ayaa aniga iyo dhaqaatiir kooban oo dalka ku haray waxaan sameynay guddiga isku dhafka ah ee caafimaadka Muqdisho anagoo maalin kasta u kala gudbeynay labada dhinac iyadoo khad cagaaran uu xiligaas jiray runtiina la kulanay dhibaatooyin badan oo qaarkood nafteena halis geliyey, waxaana howlgelinay isbitaalada Banaadir, Madiina, dayniile iyo Digfeer iyo qaar kale baahi weyn loo qabay,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xusid mudan tahay in xiligaas uu ahaa shaqsigii fekerkiisa ay kasoo maaxatay in isbitaal loo beddelo xabsi xukuumaddii hore ay ka dhistay duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo maanta loo yaqaano Isbitaalka Keysaney, isagoo xusay iney la kaashadeen heyaddaha ICRC iyo bisha cas ee Soomaaliyeed.

“Isbitaalka Keysaney oo shaqeeya hadda illaa xiligaas oo 24 sano laga joogo waxaa lagu daweeyey dad ka badan 340,00 kun oo qof, 86,000 kun oo ka mid ah waxaa loo sameeyey qaliimo waxayna tani muujineysaa baahida caafimaad ee dalka ka jirtay,” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo ah xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somalia.

Prof. Dufle ayaa soo hadal qaaday aasaaskii Jaamacadda Banaadir sababihii keenay, Mar-xaildihii ay soo martay iyo horumarka dhinaca tacliinta sare ee ay ku talaabsatay.

“Jaamacadda Banaadir koox dhakhaatiir Soomaaliyeed ah oo aan ka mid ahaa - ayaa Aas-aasay sannadkii 2002 ka dib markii aan aragnay in muddo 12 sano ah oo burbur lagu jiray aysan ka jirin dhaqaatiir ka soo baxday Jaamacado kuwii dalka joogayna ay noqdeen wax dhintay iyo wax dibeda u cararay ayaa waxaan ku fekernay inaan abuurno jiil cusub oo dhaqaatiir ah, kuliyadda Caafimaadka oo 20 arday aan ku bilownay ayaana lagu aasaasay jaamacada, haddana 10 kuliyadood ayaan gaarsiinay,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadii ugu darneyd ee Jaamacadda soo martay ay aheyd qaraxii hotel Shamo xili arday qelin jebisay loo sameynayey xaflad, wuxuuna xusay in qaraxaas ay jaamacaddu ku weysay dhaqaatiir uu ka mid ahaa Dr. Shahiid, arday, waalidiin, macalimiin iyo xubno kale ayna kaga dhaawacmeen qaar kale.

“Markuu dhacayay qaraxaas anigaa xaflada ka khudbaynayey, runtii dhacdadaas saameyn ayey nagu yeelatay, hase yeesheen nagama leexin hadafkii ahaa in ummaddeena aan wax u reebno, nagamana niyad jebinin, si jaamacadu aysan u burburin inteenii badbaaday waxaan buuxinay kaalintii ay baneeyeen macalimiintii iyo dhaqaatiirtii dhintay iyo kuwii dhaawaca ahaa dedaal badan ayaana ku bixinay ilaahay waa nagu guuleeyey, kuliyada caafimaadkaa intii ay jirtayna waxaa ka qelin jebisay 450 dhaqtar” ayuu yiri Prof. Dufle oo sheegay in dhibaatooyinkaas & kuwo kale oo waxtarka bulshada awgeed ay u soo mareen ay sababeen in shacabka Soomaaliyeed iyo ururada caalamiga ah ay ka helaan taageero iyo abaal marino wuxuuna dhaqaatiirta dibeda ku nool ugu baaqay iney dalkooda ku soo laabtaan shacabkoodana wax u qabtaan.

Xildhibaan Baashe Muuse oo oo ka tirsan golaha degaanka Oslo oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu Prof. Dufle uu ka mid yahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee wax u qabtay bulshadooda wuxuuna xusay inuu mudan yahay abaal marintan iyo kuwo kale oo ka sareeya.

Waxaa sidoo kale xaflaada ka hadlay Abdulqadir Nur Jalwa taariikh nololeedkii Dr. Dufle ka Akhriyey Xafladda, Faysal Ahmed Omar (Rashiid Kawaawe), Abdi Tahlil Hassan, Inj. C/qaadir Khaliif, Abwaan Abdirashid Ahmed Maygaag, Duuliye sare Shahar Abdi Afrax, Al Fanaan Hussein Nuuriyow oo halkaas ka qaado heeso guubaabo ah iyo xubno kale oo dhammaantood ugu hambalyeeyey Prof. Dufle abaal marinta uu ku guuleystay.

Ugu dambeyn, Abaal-marintaan ayaan ahayn middii ugu horeysay Prof. Cismaan Dufle la gudoonsiiyo, balse sannadkii sanadkii 2015 bilad iyo abaal marin gudoonsiiyey machadka caalamiga ah ee Giussepe Pitre oo ku yaala dalka Talyaaniga kaasoo sidoo kale Prof-ka u sharaxay abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace, isagoo noqday dhakhtarkii ugu hor-reeyey qaarada afrika ee abaal marintan loo sharaxo.   

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya