4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
Madax Dhaqameedka Gobolka Sool iyo kuwa ku dhaw oo sheegay inay xiisado colaadeed xaliyeen


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Golaha dhaqanka deegaannada gobolka Sool, Koonfurta Sanaag iyo degmada Buuhoodle, ayaa ka Warbixiyay maanta hawl nabadeed oo waqtiyadii lasoo dhaafay ay ka wadeen deegaanno kala duwan.

Shir jaraa’id oo Waxgaradkaani ay ku qabteen deegaanka Boocame oo 75-km Bari ka xigta Laascaanood, ayay ku sheegeen inay Shantii bil ee lasoo dhaafay ay Xal ka gaareen xiisado colaadeed oo sannado badan soo jiitamayay.

Garaad C/salaan Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay Nabad ka gaareen colaado Galaaftay dad badan oo ay ka mid ahaayeen kuwii ka dhacday; deegaanka Cagaarre oo Laas-caanood iyo Burtinle u dhexeeya, Dharkeyn-geenyo oo ka Tirsan Laascaanood iyo Killilka Shanaad ee Itoobiya oo dhamaantood lagu guulaystay xal-ka-gaadhistooda.

"Madaxda Dhaqanka... Wax badan baa la lahaa - Waa kala qaybsan yihiin; maanta waxaan idiin caddeynayaa inay midaysan yihiin, waxaana u soo jeesanay in aanu qabanno howlihii naloo igmaday," ayuu yiri Garaad C/salaan.

Sidoo kale, Waxaa iyaguna Goobtaas ka hadlay Ugaas C/llaahi Ciise Nuur, Boqor C/llaahi Axmed Cali iyo Garaad Maxamuud Cismaan Mash-qarre oo si isku mid ah uga hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dhameynta wixii tabasho ah ee beelaha dhexdooda iyo kuwa dariska la ah.

Waxgaradkani, waxay ka dhawaajiyeen xiisad-colaadeed oo sannado fara badan ka taagnaa degmadda Taleex, taasoo dhawr bilood ay wadeen, sidii ay u soo af-jari lahaayeen, ayna ku noqonayaan dhawaan, aysanna ka daalayn sidii colaadda ka taagan ay Nabad ugu dhameyn lahaayeen.

Dhanka kale, Madax dhaqameedkaan oo leh Gole ka kooban 13 Xubnood ayaa Muddo Fog isku khilaafsanaa arrimaha siyaasadda, Waxayse maanta shaaciyeen in ay meel ku tiiriyeen arrimihii siyaasadeed, taasoo soo jiidatay bulshada ay Madax-dhaqameedka u yihiin.

Ugu dambeyn, Waxay shacabku aad u hadal-hayaan in miisaankoodu ku xidhan yahay sidii ay u soo Af-jari lahaayeen Colaadda Magaalada Taleex ka Taagan, Taasoo Marar dhawr ah lagu guul-dareystay in xal waara laga gaaro.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool