4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
Madaxweyne Obama oo Jasiirada Cuba ku tagaya Booqasho Taariikhi ah oo 48 SAAC Qaadanaysa


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama oo ay la socdaan xubno ay ka mid yihiin; xaaskiisa iyo labadiisa gabadhood, ayaa ku tagaya maanta Cuba booqasho 48-saacadood qaadanaysa, iyadoo noqonaysa booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Mareykan ah uu ku tago waddankaas muddo laga joogo 88-sannadood.

Booqashadan ayaa timid kaddib markii labada waddan ay sannadkii 2014-kii ay si rasmi ah u soo celiyeen xiriirkoodii siyaasadeed, kaddib muddo Nus-qarni ah oo muran siyaasadeed uu u dhexeeyay. waxayna booqashadan ku timid kulan dhexmaray Barack Obama iyo Raul Castro, kaasoo ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ee dariska ah.

Ciidammo fara badan oo amniga sugaya, ayaa la dhigay waddooyinka caasimadda Cuba ee Havana, iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah, Halka shacab fara badan oo Cuban ah ay buuxiyeen Havana, si ay u soo dhaweeyaan madaxweyne Obama iyo wafdigiisa.

“Obama waa geesi… ogolaaday in uu soo celiyo xiriirkii Mareykanka iyo Cuba,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay Elena Gonzalez oo ah 43-jir wax ka dhiga iskuul ku yaalla magaalada Havana.

Xukuumadda Cuba ayaa waxay weli ka cabanayaan xabsiga Guantanamo Bay oo ku yaalla qayb ka mid ah Jasiiraddooda, Xabsigaasoo uu horay Madaxweyne Obama u sheegay inuu albaabbada isugu dhufanayo, inkastoo aan weli la xirin.

“Waxaa jiray sanado badan oo is-aaminaad-darro ah oo labada dal u dhexeysay, innaguna ma aanan bedelin nidaamkeennii iyo aragtiyadeennii,” ayuu yiri Ileana Valdes oo 55-jir ah, kaaliye caafimaadna ah. isagoo hadalkiisa raaciyay. “Si kasta oo ay tahay, waa in wax laga beddelo siyaasadihii asalka u ahaa colaaddii muddad dheer soo jiitamayay.”

Kala-aragti-duwanaashihii Mareykanka & Cuba u dhexeysay, ayaa la filayaa in Obama iyo dhiggiisa Castro ay uga hadlaaan casho-sharaf wafdiga Madaxweyne Obama Hanava loogu sameyn doono magaalada caasimadda ah ee Havana, oo labadoodu ay isku arki doonaan.

Telefishinka Qaranka dalka Cuba, ayaa la filayaa in Madaxweyne Obama uu Talaadada ka jeediyo khudbad toos ah, taasoo la filayo inuu ku falan-qeeyo khilaafyadii horay uga dhex-jiray labada waddan iyo sidii looga gudbi lahaa.

“Runtii waqtigu wuu is-beddelay… Waana tallaabo wanaagsan haddii uu dib u soo laabtay xiriirkii aan la lahayn Mareykanka, inkastoo ay cunno-qabateyntii weli saaran tahay Cuba,” ayuu yiri Barbaro Echevarria oo 28-jir ah, ahna arday barta cilmiga caafimaadka. wuxuuna ku daray hadalkiisa. “Laakiinse, ma ahan in dhammaan dhibaatooyinkeena aan ku eedeyno cunno-qabteynta Mareykanku horay noogu soo rogay.”

Ugu dabmeyn, Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la sheegayaa inaysan ugu jirin qorshaha inuu la kulmo dhiggiisa 89-jirka ah ee Cuba, Raul Castro; iyadoo la sheegay in booqashadan ay tahay oo keliya mid mid taariikhi ah oo uu Obama ku tagayo Cuba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya