4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
SAWIRRO: Hay’adda Zamzam oo Deeq Gargaar ah ka Qaybisay Deegaanno ka Tirsan Somaliland

Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Hay’adda Zamzam Foundation oo ka mid ah Hay'adaha ka hawl-gala Geeska afrika ayaa Somaliland ka fulisay hawlo kala duwan oo wax-tar u leh bulshada. Hawshaan oo ay goob-joog ka ahaayeen ka ahaayeen wafdi ka socday Hay'adda RAF ee Qatar oo uu hoggaaminayay Shikh Naasir binu Yusuf oo soo gaaray Somaliland.

Agaasimaha Hay'adda Zamzam, Shuceyb Cabdiladhiif Sh. Bashiir, ayaa wafdiga ka socday hay'adda Raf ee Qatar iyo madax ka socotay Somaliland oo wasiirrada maaliyada, Zamzam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Qorsheynta, Cali Shoombe ay ka mid ahaayeen oo ay ku jireen culummo ayaa gaarsiiyay deeqdan dadka abaartu ay saameeyeen ee ku dhaqan deegaanka Balliga-cas iyo deegaannada ku dhow - raashin gargaar ah oo ka koobanaa; Bariis, Sonkor, Saliid iyo Caano.

Sidoo kale, waxaa goobtaas hadallo isugu jiray mahad-naq iyo warbixin la xiriirta baaxada abaaraha deegaannadaas ku dhuftay ka jeedisay Wasiirrada Maaliyadda, Xildhibaanno iyo dadka deegaanka.

Agaasimaha hay'adda Zamzam Foundation iyo mas'uuliyiinta wafdiga hay’adda RAF ayaa iyana ballan-qaaday in lasii wadi doono gar-gaarada lagu caawinayo shacabka abaaruhu ay waxyeellada xooggan u geysteen.

Dhanka kale, hay’adda Zamzam ayaa hawlo isugu jira horumarin iyo gar-gaar aadaminimo kawada Geeska Afrika, iyadoo magaalada Hargeysa ka dhistay iskuul lagu barto farsamada gacanta, dugsigaasoo dhismihiisa ay hay'addu la kaashatay hay'adda Raf, waxaana xarigga ka jaray madaxa wafdiga Raf, Sheekh Naasir iyo wasiirka waxbarashada Somaliland.

Munaasabadda furitaanka dugsigan cusub, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; madax ka socota Somaliland, wafdiga hay’ada Raf, agaasimaha hay'adda Zamzam, guddoomiye ku xigeenka Hargeysa, culumaa'udiin iyo salaaddiin, Wuxuuna dugsigan kaalin weyn ka qaadan doonaa horumarinta waxbarashada Somaliland.

Ugu dambeyn, Hay’adda Zamzam Foundation ay horay Somaliland uga fulisay mashaariic badan oo kala duwan ayaa waxay hadda kawadaa magaalada Hargeysa dhismayaal iskuullo ay hir-galintooda la kaashanayso hay’ada RAF, kuwaasoo dhawaan xariga laga jari doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya