4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
Millateriga Kenya oo sheegay in 34 Al-shabaab ah ay ku Dileen Dagaallo ka dhacay Gudaha Somalia


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Millateriga Kenya ayaa sheegay maanta inay 34 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay ku dileen laba dagaal oo ay shalay iyo xalay xoogag taabacsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka millateriga dalka Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in dagaal shalay ay kula galeen gobolka Jubbada Hoose looga dilay laba askari, sidoo kalena saddex askari oo kale ay kaga dhaawacmeen, kaasoo ka dhashay markii kolonyo ciidamada Kenya ah ay ku qaaday Al-shabaab weeraro gaadmo ah.

“Dagaalkan waxaan ku dilnay 21 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan,” ayuu Col. Obonyo ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta Kenya, isagoo intaas ku daray. “Warbixinta Al-shabaab ee ahayd inay dagaalkaas ku dileen 12-askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ay tahay been aan sal iyo raad lahayn.”

Sidoo kale, Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Dowladda Kenya ay sheegtay inay 19 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay ku dileen dagaal muddo socday oo ay degmada Af-madow kula galeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Col. David Obonyo ayaa intaas ku daray in tiro ka badan 13 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen dagaal xalay ka dhacay deegaan ku dhow Kulbiyoow, isagoo xusay in ay dagaalkaas ku qabteen hoggaamiye dhexe oo Al-shabaab ka tirsan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay bartamihii bishii Jannaayo ee sanadkan weerar khasaare badan dhaliyay ku qaadday xero ay AMISOM ku lahayd deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ku dishay in ka badan 100-askari oo Keenyaan ah.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay shalay inay dileen 12-askari oo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Kenya, kaddib weerar ay ku qaadeen ciidammo Kenyaan ah oo marayay deegaan u dhexeeya Qooqaani iyo Af-madow, ayna laba Askari oo kale ay noloshada ku qabsadeen. Inkastoo Kenya ay beenisay sheegashadaas.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa weerarro la beegsanaysay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika [AMISOM] ee ka hawl-gala gobollada Koonfurta Somalia, iyadoo dhowr jeerna ka dalbaday Dowladda Kenya inay Ciidamadeeda kala baxdo Somalia si ay weerarrada uga joojiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya