4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
SOMALILAND: Jabuuti & Inagu waxaan heshiis ka gaarnay rasaas dhexmartay Ciidamadeenna


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Somaliland iyo Jabuuti, ayaa sheegay inay ka heshiiyeen Weerarkii ay ciidamada badda ee Jabuuti kusoo qaadeen Ciidanka Badda Somaliland, kaasi oo ay ku dileen hal askari halka mid kalena ku dhaawaceen.

Wafti Wasiirro ah oo ka socday Somaliland oo Afartii Casho ee ugu dambeeyay ku sugnaa Jabuuti ayaa sheegay in laga heshiiyey dhacdadii ka dhacday badda Somalilnad ee ciidanka Jabuuti ku soo weerareen ciidanka Somaliland, isla markaana khasaarihii ka dhashayna ay tunka u rideen.

Sidoo kale, xukuumada Jabuuti ayaa sheegay in laga heshiiyay falkaas, isla markaana wixii dhimashadii Askarigii Somaliland qaybtooda bixin doonaan, waxa kaleoo uu sheegay in ay heshiish cusub wada dhigan doonaan, si aanay mar kale uga dhex-dhicin labadda dhinac.

Sidaasna waxay ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Jabuuti, waxaana ka qayb-galay wafdigii dhinaca Somailand ka socday iyo wasiiro ka tirsan dowladda Jabuuti.

“Waxaan idin sheegaya inaanu soo afjarnay shaqaaqadii ka dhacday Saylac ee dhexmartay ciidanka Jabuuti iyo Somaliland oo ka dhashay khasaare dhimasho ah oo xaga Somaliland uu nin askari ah ayaa ku dhintay, nin kalena wuxuu ku dhaawacmay, halka dhanka Jabuuti uu hal askari ka dhaawacmay , dhacdooyinka dhaca ayayna ka mid tahay ilaalinta xeebaha, waana wax loo baahan yahay in marka dowladaha dariska ahi wax ka dhacaan ay xaliyaan, shirar badan ayaanu galnay wixii khalad ah ee dhacay la isaga raalli-gelin lahaa”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde

Wasiirka oo akhriyaya wixii lagu heshiiyey waxa uu yidhi “, waxaanu qaadanay qodobada soo socda kow, in la iska raali galiyo ciidamada Jabuuti ee soo galay iyo khasaarihii ninka askariga ah ee dhintay oo ay qaataan reer Jabuuti iyo wixii qadaf ah ee kala tirsaday, waana isku af-garanay, wacayna ku dhammaaatay si aad iyo aad u qiimo badan.”

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland, Cali Jaamac Buureed ayaa isna dhankiisa sheegay in eeddii telefishanka Jabuuti laga sheegay - ee ahayd in budhcad Soomaaliya ka timid dagaal la galeen aanay waxba ka jirin, isla markaaana ay ahaayeen ciidankii Somalilnad ah, uuna markabku ruqsad ka haystay Somaliland oo calankii Somaliland sudhnaa, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Arrintii dhacday heshiish baa laga gaadhay, waxaana u saarnay guddi wixii dhacay ka xaajooda, waxaa kaloo ku heshiinay sidii loo wada-shaqeyn lahaa oo khalad dambe aanu u dhici lahayn. anagu kaluumaysiga  aanu rusqadda siinaa waa kuwo la hubiyo mana bixino kuwo kaluunka xaalufiyo, waxa jirta in mararka qaarkood markabyada aanu rusqad siinaa ay xadka  ka gudbi karaan, sida idaacadda dalka Jabuuti sheegay waxay sheegeen inuu biyahooda ku soo xadgudbay”

Wasiiirka Kalluumaysiga ayaa sheegay in ay khalad ahayd war idaacadda Jabuuti laga sii daayay oo ciidankii dagaalku dhexmaray ku tilmaameen kuwo budhcad ah oo uga yimid Soomaaliya, waxanu yidhi “wararka Jabuuti ku sheegeen Ciidanka Somaliland budhcad Soomaaliya ka yimid waxba kama jiraan, Soomaaliya kama iman ee Somaliland buu ka yimid, budhcadna muu ahayn ee markab calanka Somaliland sita oo kalluumaysi ayuuna ahaa, dhibaatadii iyo khasaarihii dhacayna heshiishkaasi ayaa laga gaadhay”.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ay ku heshiiyeen Jabuuti inay biyaha Somaliland ka Kalluumaystaan, isla markaana Dekadaha Jabuuti ay Somaliland kasoo iibsan karto, isagoo yiri. “Waxaa kaloo jira heshiish aanu galnay oo ah in la isku furnaado oo Dekedda Jabuuti laga soo iibsan karo kalluun, maraakiibtooda kalluumeysiguna baddeenna soo geli karaan illaa kuwo Ubokh ka yimaadana ay imaan karaan.”

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, badda iyo Xoolaha Jabuuti Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali) ayaa isna dhankiisa ka hadlay oo sheegay in heshiish laga gaadhay wixii dhacay, waxaanu Markabkaasi ku eedeeyey mid khasaare weyn soo gaadh-siiyey Badoodda, isla markana xaalufinayey kalluunkii badoodda ku jira.

Wasiir Maxamed Soomaali oo dhankooga ka hadlaya waxa uu yidhi “ Anigo la wadaagaya heshiishkaasi aanu gaadhnay,sadex cisho ayaanu shir uun ku jirnay si loogu soo celiyo sidii aanu u wada shaqayn jirnay, markabka soo xad-gudbay waa markab Somaliland Rusqad ka haysta, waana markab Masri ah oo aanu naqaanno oo dhawr jeer xad-gudbay, Raadaalkuna sheegay; wayna ku qanceen Somaliland,  markabkaas dhibaato ayuu noo gaystaa oo jaraaf-kaasi kaluunkii dhalanayay ee ku jiray ayuu wada dhamaynayaa, kol ka dib dambe kaluun loogama helayo, markuu soo galay waxba sheegi waayey ayey ku kalifay in ciidankayagu inay daba socdaan oo orodkii baa la isla galay badda Somaliland, kolka dhibaata meeshii timid nin baa dhintay alla ha u naxariistee, dhaawacna wuu jira labadda dhinacba, taasna heshiish baanu ka gaadhnay waxana nidhi Jabuuti waxay ka gaysanayo anagay noo taalaa, oo ku diidi mayno walalahayaga qaybtayadda inaanu bixino khasaaraha soo gaadhay Somaliland, waxa la samaynayaaa laba guddi si aanay waxan oo kale dib u dhicin”

Ugu dambeyn, dhacdadan khilaafka keentay ayaa sababtay markii markab Kalluumaysi oo dalka Masar laga leeyahay ay soo eryadeen ciidamada Jabuuti, halka ciidanka Somaliland difaacay, halkaas waxa ka dhashay khasaare ahayd geerida hal askari iyo dhowaac labada dhinac ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland