4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2016
Xukuumadaha Somalia iyo Shiinaha oo ka Wada-hadlay Abaaraha ka Taagan Dalka (SAWIRRO)


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL) — Ku-simaha RW Somalia, isla markaana ah ahna wasiirka Cadaaladda, C/laahi Axmed Jaamac [Ilka-Jiir], ayaa Maanta la kulmay Safiirka Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian oo Warsame Geel-jire loo yaqaano. Iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii Dowaldda Shiinuhu ay taageero uga geysan lahayd Abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Wasiir Ilka-jiir ayaa ka codsaday Xukuumadda Shiinaha in ay gacan ka geysato sidii looga bad-baadin dadka Abaaraha ku dhuftay Gobollada Somalia qaarkood, gaar ahaan Puntland, Somaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si aad ah u saameeyeen abaaruhu.

“Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo Dadka ay Abaaruhu saameeyeen, waxayna Beesha Caalamka, Ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay gacan weyn ka geystaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kala hadalnay Danjiraha Shiinaha ee Somalia Warsame Geel-jire inay xukuumaddiisu taageero siiso shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameeyeen, kuwaas oo uu xusay inay xilligaan haystaan dhibaatooyin xoog leh.

Ugu dambeyn, Safiirka Shiinaha ee Somalia ayaa ballan-qaaday in Dowladiisu ay gacan ka geysan doonto sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo xusay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya