4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2016
Barakacayaasha ku Sugan Garoowe oo si aad ah looga Dayrinayo Xaaladoodda Dhinaca Nolosha


Axad, Maarso 20, 2016 (HOL)-Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe waxay hoy u tahay kumanaan qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku noolaa in ka badan 20 sano si nabad galyo ah kana helay adeegyo nololeed oo kala duwan marxalado kala duwanba ha soo mareene.

 

Barakacayaashu waxay xeryooyin kala duwan ku leeyihiin dhanka bari ee magaalada Garoowe halkaasi oo qaybo ka mid ah looga dhisay guryo rasmi ah oo ay deegaan ahaan u leyihiin waana deegaan marka aad tagto aad ku arkayso xaalado nololeed oo kala duwan.

 

Waxaa ka jira xerooyinka barakacayasha MCH-yo ama xarumo caafimaad oo loogu tala galay hooyooyinka iyo dhallaanka balse agabku wuu ku yar yahay.

 

Nadaafad darro ba'an ayaa xeryahaasi ka jirta. Waxaad ku arkaysaa gudaha xeryahaas barakacayaasha qashin noocwalba leh oo daadsan gudaha xeryaha kuna keena barakacayaasha xanuuno badan waxaana xusid mudan in hada la galayo xilli roobaadkii oo ay barakacayaashu codsanayaan in laga caawiyo sidii ay qashinka isaga fogayn lahaayeen.

 

Waxbarashada ayaa liidata xeryahaasi barakaceyaasha. Waxaa ka jira xeryaha qaybo kamid ah dugsiyo hoose oo carruurta wax lagu baro kuwaasi oo aan u qalabaysnayn sidii loo baahnaa una baahan macallimiin iyo dayactir dhinacyo badan ah.

 

Xafiiska Wararka, Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya