4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
Dibadbax looga horjeedo dilkii Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil oo Maanta ka dhacay Ceeri-gaabo


Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Bannaan-bax looga Hor-jeeday dilkii Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil, C/risaaq Caseyr ayaa maanta ka dhacday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag oo Sarkaalku uu kasoo jeedo, iyagoo dalbaday in si deg-deg ah loo soo qabto kooxihii dilkiisa ka dambeeyay.

Mudaaharaadkan ayaa mar dambe isku bedelay rabshado, iyadoo dadku ay billaabeen inay shiidayeen ciidammo fara badan oo la keenay magaalada, kuwaasoo doonayay inay ka hor-tagaan dibadbaxa, Waxaana dhagaxaan lagu dhaawacay saraakiil ka tirsan ciidamadii isku dayay inay mudaaharaadka baajiyaan sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Fallaay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay ayaa sheegay in xaaaladda gobolku hadda degan tahay, hayeeshee shacab ka xun Dilkaasi Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee la dilay isku soo baxeeen, kuwaas oo dhaawacyo dhagaxaan u badan u geystay saraakiil ka tirsan ciidankii amniga sugayey.

“Xaaladda Gobolka Sanaag imika waa mid deggen, waxaana maanta ka dhacay Dibadbax, inkastoo markii dambe uu dhagax-tuur ka dhacay, Waxaanan tacsi u dirayaa G/lle Caseyr oo ahaa Taliyihii qaybta Gobolka Saaxil oo ahaa nin balaarn oo aanu soo wada shaqaynay, waana ku xumahay dilkaas,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay oo ka hadlayey xaaladda gobolkaasi ku sugan yahay mudaharaad ka dhacay maanta ka dib.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxu sheegay in mudaharaadkani ka dhashay dilka loo geystay sarkaalkaasi gobolka Saaxil lagu dilay,  waxaanu yidhi “ gobolku hadda  wuu fiican yahay imika marka laga reebo dhagxaan lagu dhuftay dhawr sarkaal, arrintunu waxay ka kacday marxuumkaasi la dilay, waxaan leeyahay shacabka Reer Ceerigaabo walaalayaal balan bay Xukuumaddu ku qaadday in la soo qabto gacan ku dhiigleyaashii Taliyaha dilay, Waxaana leeyahay is-dajiya oo amniga noo adkeeya, waana ballan in tallaabo aanu ka qaadi doonto budhcadaasi.”

Ugu dambeyn, Ciidanka amniga ayaa iyaguna ciidan badan geeyey Berbera, isla markaana Baaritaan xoog leh billaabay, si gacanta loogu soo dhigo Gacan-ku-dhiigleyaashii Dilkaasi sarkaalka gaysatay, waxaana ilaa maanta la xidhay khadkii telefoonadda ee gobolka Saaxil si loo hakiyo inaanay xidhiidh wada samayn debleydaasi lagu daba jira

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland