4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
SAWIRRO: Ciidanka Badda Puntland oo Qabtay Doonyo ku jiray Kalluumeysi Sharci-darro ah

Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Ciidamada Badda Puntland oo haw-gallo ka sameeyay inta u dhexeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qandal ayaa soo qab-qabtay Shan doomood iyo shaqaalihii saaran oo si sharci-darro ah kalluumeysi sharci-darro ah kawaday Xeebaha Puntland.

Taliyaha ciidanka badda maamulka Puntland, Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay in doonyahaan iyo shaqaalihii watayba ay ku Xad-gudbeen sharciga kulluumaysiga Puntland, sidaas darteena la horkeeni doono sharciga.

“Wadarta doonyaha kalluumeysiga sharci-darrada ah waday ee aan soo qabanay waa Shan, waxay kaloo wateen doomo kale oo yar-yar, waxay ku xadgudbeen sharciga kalluumeysiga Puntland, sidaa darteed waxaa lala tiigsanayaa sharciga,” ayuu yiri Adm. C/risaaq Diiriye.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah shacabka deegaanka Qandala ayaa iyagana sheegaya in dadkani yihiin kulluumeysatadii deegaankooda, waxayna xarigga ay Puntland maanta u geysatay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

Ma ahan markii ugu Horreysay oo Puntland ay doonyo ay sheegeen in Kalluumeysi Sharci-darro ah ay kusoo qabteen lana maxkamadeeyo, balse waa markii ugu horreysay oo doonyo tiradoodu intaan le’eg tahay ay soo qabtaan.

Ugu dambeyntii, Dhawaan ayaa la filayaa shaqaalaha iyo Maamulka dooyahaan ee la Qab-qabtay la hor-geeyo maxkamadda Gobalka Bari, si lo xaqiijiyo dambiga lagu soo eedeeyay ee kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya