4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo ka digay in si sharci-darro ah loo banneysto dhul


Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Camey] oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan jiri-karin cid dhul ay Xukuumaddu la socon cagaf-marsan karta ama xiran karta karta.

Cabdixakiin Camey ayaa amar ku siiyay laamaha Amaanka Puntland inay tallaabo sharciga Waafaqsan laga Qaadi doono, Ciddii la arko iyadoo Cagaf-marinaysa Dooxooyinka Biicida iyo Daaqa Wanaagsan leh ee Puntland.

"Shacabka Puntland ha is-dajiyaan, Qofkii doonaya  Dhul, isagoo u maraya sifihii Sharciga ahaa ee dowladnimo ayuu dhul heli karaa, balse maamuka Puntland ma yeeli doono in dhul la iska goosto, isla markaana oo Dooxooyinkii ugu Bilicda iyo Daaqa Wanaagsanaa Cag la iska marsado, Hay'adaha amniga waxaan ku amrayaa in tallaabo laga qaado ciddii arrintaas lugu arko," ayuu yiri Cameey.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, ayaa hadalkiisa ku daray inay Midnimada Puntland tahay muqaddas, isagoo xusay in aysan jirin cid Ammaanka Puntland wax u dhimi karta.

Ugu dambeyn, C/xakiin C/llaahi Camey ayaa sheegay in maamulka ay xoogga saari doonto Arrimaha Ammaanka iyo ilaalinta deegaannada daaqsinka wanaagsan leh.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya