4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
MAREYKANKA: Mss Clinton iyo Trump oo Guulo ka gaaray Doorashooyinkii ka dhacay 11-ka Gobol


Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Waxaa Xalay ka dhacay 11 Gobol oo ka Tirsan Dalka Maraykanka doorashooyinkii is-reeb-reeb ahaa ee Musharaxiintu ay ku kala baxayeen, taas oo ay kusoo baxaysay ciddii doorashada November 2016-ka uga qaybgeli lahayd xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.

Doorashooyinka ayaa waxaa ugu Cad-cadaa Hillary Clinton oo Dimuqraaddiga ka socotay iyo Donald Trump oo Jamhuuriga ka socday, kuwaasoo loo Saadaalinayo inay noqonayaa murashaxiinta ee isugu soo hari doonaan Doorashada madaxnimada ee dalka Mareykanka ee dhici doona Bisha November ee Sannadkan, taasoo ka dhici doonta dhamaan gobollada Maraykanka, iyadoo Murashaxii ku guuleysta doorashada weyn uu noqon doono mas'uulka bedeli doona Madaxwaynaha hadda xilka haya ee Barack H. Obama.

Murashaxiintaan Waxay xalay ku Guulaysteen inta badan Doorashooyinkii 11-ka gobol ka dhacay, kuwaas oo kala ahaa; Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton oo Heshay Codadka toddoba gobol, halka Bernie Sanders oo isna ah murashax ka socday isla xisbigan uu helay codadka afar gobol.

Sidoo kale, labada murashax ee ugu horreeyay Jamhuuriga ayaa waxaa weli hoggaaminaya Ganacsade Donald Trump oo helay Codaddkii Toddobo gobol, Waxaana kusoo xigay Ted Cruz oo helay laba gobol, halka Marco Rubio isna helay hal gobol codadkiisii, kaasoo ahaa Gobolka Minnesota.

Cel-celis, egooyinka ayaa waxaa aad ugu Guulaystay, Hillary Clinton oo Dimuqraadiga ka soctay, iyadoo heshay 984 ergo, Halka ninka ku xigana uu haysto 347-argo.

Donald Trump ayaa xagga xisbiga Jamhuuriga helay 268-ergo ku gulaystay, Ted Cruz 142-ergo ayuu isna helay, halka uu Rubio ka haysto 78-ergo oo keliya.

Gobolka Minnesota ayaa ka dawanaa Doorashadaan Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, Waxaana ku guuleystay murashaxa Bernie Sanders oo Dimuqraadiga ka Socday iyo Marco Rubio oo Jamhuuriga ka socday, waana Gobolka keliya ee uu M. Rubio ku guuleystay.

DOORASHADII KURAASTA BAARLAMAANKA GOBOLKA MINNESOTA;

Doorashadii dhanka Soomaalida, waxaa ku Tartamay kursiga baarlamaanka xaafadda 60B ee Gobolka Minnesota Saddex Murashax oo kala ahaa; Phils Khan oo in ka badan 40-sano xilkaas haysay, Maxamud Nuur oo mar labaad u Tartamay Kursigaan iyo Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed, Inkastoo Nadiijada Guud ee doorashadaas aan weli la helin, balse HOL waxay goobjoog ka ahayd Hal xarun oo ahayd xarunta Xaafadda Riverside, Waxaana ku Guulaystay Maxamud Nuur oo helay 18-ergo, halka Ilhaan Cumar ay ka heshay 9-ergo, waxaana u dambeeyay Philis Khan oo iyana heshay hal-ergay oo keliya.

Wararka ku Saabsan Doorashadaan Waxaad kula socon doontaan Wararka soo socda ee HOL, haddii ALLE Ogolaado.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota