4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
Dagaal culus oo Ahlusunna iyo ciidamo Huwan ah ku dhex-maraya Magaalada Dhuuso-mareeb


Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Afar Ruux ayaa la sheegayaa inay ku Naf-waayeen, tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo muddo Saacado ah ka socda bartamaha Magaalada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud, kaasoo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna Waljamaaca iyo ciidammo uu horkacayo Sarkaal Liibaan Madaxweyne lagu magacaabo oo horay ugu biiray Ururka Ahlusunna.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu dagaalkani sii xoogeysanayo saacadba - saacadda ka dambeysa, ayna gaarayaan Dhuuso-mareeb ciidamo gurmad ah oo labada xhinac xoojinaya kala socda, taasoo xoojinaysa baqdin laga qabo in dagaalku daba-dheeraado.

Sidoo kale, wararka ayaa itaa ku daraya in dagaalka oo billowday xalay saqdii dhexe uu ka billowday go’aanno ay Ahlusunna uGu diiday Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya in ay booqdaan Magaaladaas, taasoo ka careysiisay Sarkaalka Hoggaaminaya ciidamada kula dagaalamaya Ahlusunna Waljamaaca degmada Dhuuso-mareeb.

“Dagaalka waxaa ku lug leh Maamulka Galmudug, waxaana billaabay ciidammo iyaga ka amar-qaata. Ciidamadeennu Awood ayay ku leeyihiin Magaalada, dhowr ruuxna waan ka dilnay ciidamada aan la dagaallamayno,” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlusunna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf.

Isagoo sii hadlaya ayuu sarkaalkan raaciyay inay ka go’an tahay inay magaalada ka saaraan ciidamada la dagaalamaya oo uu sheegay inay weerarro ku qaadeen xalay dhowr goobdood oo ay ku jiraan xarumaha Ahlusunna ay magaaladaas ku leedahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Galmudug oo warbaahintu wax ka weydiisay in dagaalkaan ay ku lug leeyihiin iyo in kale, ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka yihiin qayb ciidamada dagaalamaya gudaha Dhuuso-mareeb, ayna inta badan magaalada iyagu gacanta ku hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Dagaalka, inkastoo Wararku ay Sheegayaan in Sarkaalka ay dagaallamayaan Ururka Ahlusunna uu DF Soomaaliya la leeyahay xiriir aad u dhow.

Isbitaalka Dhuuso-mareeb, ayaa la sheegay in uusan saakay shaqeynayn oo uu xiran yahay, maadaama magaalada oo dhan ay xiran tahay uuna ka socdo Dagaal, shacabka qaarkoodna ay billaabeen inay ka barakacaan.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya