4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Dowladda Somalia oo Maareeye Cusub Maanta u magacowday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta u Magacowday Maareeye cusub, Waxaana loo Magacaabay Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Jen. Cabdi Abshir Jaamac, sida lagu sheegay Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska RW Somalia Cumar C/rashiid Cali.

Magacaabidda kaddib, ayaa wuxuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu la qaatay kulan looga hadlay dar-dar-gelinta amniga garoonka diyaaradaha la qaatay, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen; wasiir ku-xigeennada amniga iyo duulista hawada Somalia, Taliyeyaasha ciidamada booliiska, Nabad-sugidda, saraakiil waaxda socdaalka ka tirsan iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga garoonka, iyadoo madaxweyne Xasan uu tallooyin ka dhageystay saraakiisha Amniga ee ka qayb-galay, kuwaasoo sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay tallaabooyinkii la qaaday si Amaanka guud ee Garoonka loo xoojiyo, kaddib qaraxii ka dhex-dhacay diyaaradii Daallo Airlines  bishii Feberaayo ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hor-tegi lahaa falal ammaan-darrada ah oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde, khasaarena gaarsiisa shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale socdaalka ku yimaada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka Hor-tagaan wax kasta oo Nabadgelyada Garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya, isagoo kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha.

Ugu dambeyn, Maareeyaha cusub  ee maanta loo magacaabay Garoonka ayaa bedeli doona maareeyihii hore ee garoonka, iyadoo tallaabadan ay imaanayso xilli mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia ay dhawaan sheegeen in Amaanka garoonka si aad ah loo adkeeyay, isla markaana 100% la isku halleyn karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya