4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Al-shabaab oo Ciidammo Keenyaan ah ku dishay weerar gaadmo ah Askar kalena Qafaashay


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay maanta in Weerar gaadmo ah ay ku dilay 12-askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ee ka tirsan hawl-galka AMISOM, ayna la beegsadeen weerarka gaadiid kolonyo ah oo ay wateen Ciidamada dalka Kenya ee KDF-ta oo marayay Xayo oo u dhexeeya Qooqaani iyo degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka, ayaa intaas ku darayaan in xoogagga Al-shabaab ay u suuro-gashay in ay nolosha ku qabsadaan laba ka tirsan ciidamadii Kenya ee ay ku qaadeen Weerarka gaadmada ah oo muddo ka socday halka uu ka dhacay.

Sidoo kale, Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Kenya looga gubay Weerarka lix gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo weerarkan uu noqonayo midkii ugu khasaare badnaa oo Al-shabaab ay la beegsato Ciidanka Kenya, marka laga reebo weerarkii 15-kii Jannaayo lagu qaaday xerada ciidamada Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen xoogagooda gaarka ah, ayna cagta ku mariyeen kolonyadii ciidamadii Kenya, qaarkoodna ay nolosha ku qabsadeen.

Ma aysan sheegin Al-shabaab khasaaraha kasoo gaaray dagaalka oo ay sheegeen inuu ahaa mid socday laba saacadood oo xiriir ah; iyadoo aan la ogeyn khasaaraha Al-shabaab kasoo gaaray weerarka ay ku qaadeen ciidamada Kenya.

Dowladda Kenya ayaan illaa hadda ka hadlin Weerarka uu khasaaraha faraha badani kasoo gaaray ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee ka hawl-gala Gobollada Koonfurta  Somalia, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii War ah ee kasoo kordha Weerarkan iyo khasaarihiisa ; waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya