4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Howl-gal Amni oo Boosaaso ka socda iyo Ururka Al-Shabaab oo sheegtay Weerarkii xalay dhacay


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ciidamada Amniga Puntland ayaa baaritaanno xoog leh ka billaabay Magaalada Boosaaso, kaddib weerar hal qof lagu dhilay oo Fiidnimadii xalay ka dhacay gudaha magaalada, iyadoo isla weerarkaasna ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.

Weerarka oo ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ilaalada gudoomiyihii hore ee canshuuraha berriga qaybteeda Gobolka Bari, ayaan weli cidna loo soo qaban inkastoo ciidamo ka tirsan booliska maanta lagu arkayay qaybo kamid ah magaaalada.

Is-rasaasaynta oo muddo socotay ayaa si weyn looga dareemay halkii Weerarku ka dhacay oo ahayd meel ka dhow Afar-irdoodka Boosaaso oo inta badan ay Ciidamada Booliiska ku baaraan gaadiidka isaga kala goosha xaafadaha Bosaaso.

Maamulka gobolka Bari ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeri ah ka bixiyo weerarka, waxaana arrintan ay ku soo beegmaysaa, iyadoo dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo ururka Al-shabaab ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolka Nugaal.

Ugu dambeyntii, Idaacad ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay mas'uul ka ahayd Al-shabaab, iyadoo gudaha degmada Boosaaso laga dareemayaa cabsi la xiriirta in weeraro kale ay ka dhacaan, xilli dagaalka u dhexeeya Puntland & Al-shabaab uu sii xoogaystay maalmihii lasoo dhaafay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]