4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Daraasad laga sameeyay Soomaalida oo lagu soo ban-dhigay Minneapolis (SAWIRRO + VIDEO)

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Hay’adda Tayo ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku qabatay kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayay Cilmi-baaris iyo Daraasaad laga sameeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Madaxa Hay’adda Tayo, Hamsa Warfaa oo ah aqoon-yahan Somali ah, ayaa soo bandhigay cilmi-baadhis iyo daraasad lagu qiimeynayay xaaladda guud ee Jaaliyadda Soomaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Soomaalida deggen Minnesota oo tiradooda lagu qiyaaso 80,000, ayay Hay’adda TAYO la waxay la wadaagtay daraasad meelo badan taabaneysay oo ay sameysay, gaar ahaan dadkii fursada u yeeshay inay kasoo qayb-galaan kulanka.

Natiijadda cilmi-baaristan oo lasoo koobay, ayaa lagu soo bandhigay fursadaha iyo caqaba-daha hor-yaalla bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo weliba sidii looga gudbi lahaa.

DAAWO: Video ku Saabsan Bandhigga Daraasadda laga Sameeyay Soomaalida MN;

Sidoo kale, Daraasadan la soo bandhigay ayaa ahayd mid aanan horay looga baran in lasoo bandhigo, iyadoo dhamaan dadkii kulanka goob-jooga ka ahaa ayaa ku tilmaamay Arrintan horumar wanaagsan leh oo wax weyn soo kordhinaysa

Dadkii nasiibka u yeeshay inay kulanka kasoo qayb-galaan ayaa u mahad-celiyey dhamaan dadkii ka qayb-qaatay cilmi-baarista oo muddo bilooyin ah soo socotay, gaar ahaan Hamza Warfa oo hoggaaminayay daraasaaddaan. Kaddib markii lasoo ban-dhigay Natiijada Cilmi-baarista ayaa dadkii kulanka joogay ay Talooyin iyo doodo kasoo jeediyeen natiijada kasoo baxay daraasaaddan.

Mawduucyadii shirkan lagu falan-qeeyay waxaa ka mid ahaa; tirada Soomaalida ku dhaqan Minnesota, Dhaqaalaha, tirada Soomaalidu shaqo la’aantu hayso, Waxbarashada, Arrimaha la xiriira carruurta iyo dhallinyarada iyo weliba mowduucyo kale oo aan lasoo koobi karin.

Ugu dambeyntii, Cilmi-baaristaan oo uu hormuud ka ahaa Hoggaamiyaha hay’adda TAYO Xamsa Warfaa, ayaa waxaa si rasmi ah u soo bixi doonta iyadoo daabacan muddo 10-cisho kaddib ah.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota