4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Siilaanyo oo ka Hadlay Is-rasaaseyntii ciidamada Badda Somalilnad iyo kuwo Jabuuti dhexmartay


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Is-rasaasayntii dhawaan dhexmartay ciidamada Ilaaladda xeebaha Somalilnad iyo kuwo Badda Jabuuti taas oo sababtay dhimashada hal askari oo ciidanka Somaliland ah.

Siilaanyo ayaa Hadalkaan sheegay, kaddib safar Afar Casho uu uga maqnaa dalka Kuwait, isagoo xusay inay difacayaan Qarannimada Somalilnad, cid kasta oo soo weerartana ay ka hor-tagayaan.

“Annagu, haddaan Somaliland nahay kolayba dalkayaga difaaciisa iyo waxii khayr ugu jiro waan garanaynaa, waanan ka war-qabaynaa, waanan la soconaynaa Insha Allaah, difaacida dalkeennana cidna uga habran mayno,” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabayay askarigii uga geeriyooday is-rasaaseyntii dhexmartay Ciidanka badda Somaliland iyo kuwa Jabuuti dhawaan dhexmartay.

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay wixii uga soo Qabsoomay Booqashadii uu ku tagay dalka Kuwait, Wuxuuna yiri. “Booqasho muddo Afar Casho ah Qaatay oo aan ku tagay Kuwait mudana aan halkaa joogay, waxaana kulammo la qaatay madaxda Kuwait oo uu ugu Horreeyo Amiirka Dalkaas, Waxaanan ka Wada-hadalnay Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Waxaana si gaar ah ugu Mahad-celinayaa Mashaariicda horumarineed ee Dhaxal-galka ah ee ay ka fuliyeen Somaliland”.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intaas ku daray. “Waxaanan u Gudbiyay Amiirka mashaariic Horumarineed oo Somaliland wax loogu qabanayo kuwaas oo uu noo ballan-qaaday in ay dhisayaan, ayna uga jawaabi doonaan sida dhaqsiyo badan.”

Geesta kale, Dadweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey dhaliilo xooggan u soo jeediyey Xukuuumadda Somaliland, kuwaasoo ay ku aadan sida aanay uga hadal Askarigii ku dhintay Weerarkii ciidamada Jabuuti ku soo qaaday ciidamada ilaaladda Somaliland.

Ugu dmabeyn, Meelaha la isugu yimaado iyo Baraha Internet-ka ayaa si weyn looga hadal-hayay Askarigii ku Geeriyooday is-rasaaseyntii dhex maray labadda ciidan, iyagoo dhaliilo xooggan loogu soo jeedinayay xukuumadda Somaliland, waxaanay inta badan dadweynuhu tilmaamayeen in siyaasiyiinta Somaliland intooda badani haystaan baasabooro Jabuutiyaan ah, taasina ay keentay in mucaarad & muxaafadba aanay ka hadal askariga ku geeriyooday gacanta ka hadalkii dhexmaray ciidamada badda Somaliland iyo kuwa dalka Jabuuti.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland