4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
SAWIRRO: Bulshada Soomaaliyeed oo ka Hor-jeestay Warbixintii Kooxda la Socodka Hubka

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) —Shir ay maanta magaalada Muqdisho ku sheegeen in 500 oo Hoggaamiye oo ka kala Socday Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed; Sida - Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Culummada, Warbaahinta, Dhallinyarada, Haweenka iyo odayaasha-dhaqanka, ayaa looga dooday dhibaatooyinka joogtada ah ee gudiga la-socodka cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo diiradda lagu saaray saameynta ay ku yeelatay warbixintoodu horumarka iyo soo-kabashada Somalia.

Dood iyo falanqeyn muddo socday kaddib, Waxaa shirka laga soo saaray qodobadan:

1. Shirku, wuxuu si cad uga soo hor-jeestay Warbixinta joogtada ah ee Guddiga Qaramada Midoobay oo ujeedkeedu yahay dhaawacida sumcada iyo sharafta hay’adaha iyo Madaxda Sare ee Dowladda Somalia iyo Hoggaamiyaasha Bulshada Rayidka ah oo ay ku eedeeyaan mar kasta ku lug lahaanshaha falal-dambiyeedyo aan loo heyn caddeymo haba-yaraatee.

2. In eedeymahaas been-abuurka ah looga golleeyahay in dambiyo la xiriira musuq-maasuq & argagaxisonimo lagu magac-dilo shaqsiyaad magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, ujeeddaduna tahay Maja-xaabinta dadaallada lagu soo celinayo dawlad-nimada iyo magaca ummadda Soomaaliyeed.

3. Shirku, wuxuu caddeynayaa in waajibaadka guddigu yahay la-socodka cunna-qabateynta Hubka Soomaaliya, laakiin ay xubnaha Guddigu hareer-mareen hawshii loo xil-saaray, isla markaana ay farahana la galeen molosha iyo xoriyada xubno Somaaliyeed oo magac ku leh siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

4. Shirku, wuxuu caddeynayaa in gudigu isku bedelay koox aan xuduud lahayn oo qaadata lacago baad ah ama la-dagaasha horumarka, dib u-dhiska iyo magaca Soomaaliya.

5. Shirku, wuxuu caddeeynayaa in ujeedooyinka guracan ee guddigu ku gaaro farsamooyin sharci-daro ah sida; in xogta lagu helo han-dadaad, caga-jugleyn, baad, caddeymo la been-abuuro, jabsashada E-maillada iyo in si ku-talo-gal ah saxaafadda loogu dusiyo xogo been iyo magac-dil ah oo si gaar ah loo xushay, loogana gol-leeyahay sharaf-dilka shakhsiyaad hal-door ah, ha’ayado Dowli ah iyo kuwa gaar loo leeyahay.

6. Shirku, wuxuu caddeynayaa in joogitaanka iyo inay ka shaqeynta Somalia ee kooxdan - ihaano ku tahay madax-bannaanida Somalia iyo weliba Caqabad hor-taagan hana-qaadista hay’ado tayo iyo sumcad leh oo shaqeeya.

7. Shirku wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha QM iyo beesha caalamaka ee taageera qadiyadda iyo Qaranimada Soomaaliya, inaysan taageerin kuna kobcin hantida dalka loogu talo-galay kooxda ka ganacsata sharafta iyo karaamada Soomaaliya.

8. Shirku, wuxuu soo dhaweynayaa in Soomaaliya uu ka Dhaqan-galo Hannaanka Dowlad-wanagga, Hufnaanta, fur-furnaanta, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in awoodaha dalka lagu takri-falo iyo welibaba dhismaha kalsoonidii Soomaaliya iyo midda Caalamka.

9. Shirku, wuxuu ugu baaqayaa QM, gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka inay tallaabo cad ka qaadaan kooxdaan caadeysatay sharaf-dilka iyo maja-xaabinta guulihii laga gaaray iyo soo noqoshada hay’badda iyo Qaranimada Soomaaliya.

10. Shirku, wuxuu ugu baaqayaa dowladda FS iyo madaxdeeda inay go’aan cad ka qaataan hawlaha kooxdani ka waddo, ayna baabi’iyaan jiritaan-ka kooxdan, Dalkana ugana saaraan muddo kooban, Difaacaanna xuquuqda iyo karaamada muwaaddiniinta Soomaaliyeed , isla markaana ay ilaaliyaan midnimada iyo madax-bannaanida shacabka iyo dalka Soomaaliya.

HADDABA; Halkan Kasoo Rogo War-saxaafadeedkan oo ku Qoran Afka Ingiriiska;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya