4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalkii ka socday Togga SUUJ iyo Al-shabaab oo Weli ku Sugan


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ciidanka maamulka Puntland ee maalmihii dambe hawl-gallo ka dhan ah xoogag ka tirsan Al-shabaab oo duullaan ku qaaday deegaanada Xeebaha-bari ee Puntland, ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay kooxda Al-shabaab ay ka bixiyaan qaybo ka mid ah Togga Suuj.

Wararka, ayaa intaas ku daraya in Xoogagga Al-shabaab ay weli ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Togga Suuj, iyadoo la sheegayo inay toggaas soo gaareen qaar ka mid ah xoogagga Al-shabaab oo horay ugu sugnaa deegaanka Gara-cad.

Sidoo kale, Togga Suuj oo ah midka ugu weyn Xeebaha-bari ee Puntland, isla markaana ah halka ay biyaha cabi jireen xoolaha iyo dadka Reer miyiga ah ee Deegaannadaas ku dhaqan ayaa lagu dagaallamayay afartii maalmood ee ugu dambeeyay.

Inkastoo dhawr jeer ay isku dayeen xoogaggan la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin isku dayeen inay ka gudbaan halkaas, ayaa haddana waxaa dagaal kala hortagay ciidamada Puntland. Iyadoo wararku sheegayaan in xilligaan ay deegaannadaas ay gaarayaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa horay u sheegay in Xoogagga Al-shabaab ee xeebaha-bari ee Puntland soo gaaray ay tiradoodu tahay boqollaal, laakiin dadka ku nool deegaannadaas ay sheegayaan in Dagaal-yahannadaan ay sitaan gantaallo iyo hub kale oo casri ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Baasuukayaal iyo qoriga loo yaqaanno PKM-ka oo Somalia looga yaqaan Daba-miinshaarka.

Ciidamada Puntland, ayaa sheegay inay xoogag badan oo Al-shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaalladii ka dhacay Togga Suuj, halka dhankooda ay sheegayaan inay tiro yar oo Askarta dagaalka ku jiray ay dhaawcyo fudud iyo dhimasho kasoo gaartay, balse aysan cadadkooda weli sheegin.

“Xoogagga soo gaaray Togga SUUJ, waxay wataan Hubka Garbahaha laga tuuro iyo kuwa Daran-doorriga u dhaca… markii ay Deegaanka yimaadeenna waxaay horay u wateen Dad ka mid ah kuwa deegaanka, inkastoo ay mar dambe soo daayeen. Sidoo kale, Waxay isugu jiraan Ajnabi iyo Somali,” ayaa laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka ku sugan Togga Suuj oo Warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Wararrka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Puntland ay jahooyin kala duwan ka weerareen xoogagga ku jira Togga Suuj, inkastoo aysan ku Guuleystay inay Toggaan ka saaraan Al-shabaab, iyadoo wararku ay xusayaan inay adag tahay in Togga Suuj laga saaro xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Saraakiisha hoggaanka ciidanka Puntland iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa gaaray Deegaan ku dhow Gara-cad oo ka tirsan Gobolka Nugaal, Halkaasoo ay weli ku sugan yihiin xoogaggii Al-shabaab ka tirsanaa ee Toddobaadkii hore gaaray halkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya