4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Diyaarad ay lahayd Fly-dubai oo Saaka ku Bur-burtay Koonfurta Waddanka Ruushka (Sawirro)

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 62 ruux oo rakaab ahaa ayaa dhintay kaddib markii diyaarad ay lahayd Shirkadda Fly-dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee Sabtida maanta ah ku dhacday garoonka diyaaradaha Rostov-on-Don oo ah magaalo ku taalla Koonfurta waddanka Ruushka.

Diyaaraddan ayaa dhacday xilli ay doonaysay in ay cago-dhigato garoonka, iyadoo sababta keentay dhicitaankeeda lagu sheegay cimilada oo aad u xumayd, waxayna u kala burburtay cad-cad, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Rostov-on-Don.

“Waxaanu xaqiijinaynaa in ay dalka Ruushka ku burburtay diyaarad shirkaddeennu lahayd oo duullimaadkeedu ahaa - FZ981, Waxaana ku geeriyoodeen Shaqaalihii iyo Rakaabkii la socday, Wuxuuna ahaa shil Naxdin leh,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay Shirkadda Fly-dubai oo diyaaraddaan lahayd soo saartay markii shilku dhacay.

Sidoo kale, Guddiga baaraya burburka diyaarada oo Ruushka ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in dadkii la socday diyaarada ay dhamaantood Geeriyoodeen. Iyadoo warbixin ay soo saareen ku yiri. “Diyaaradda waxaa saarnaa 55-ruux oo rakaab ah iyo Toddoba shaqaale ah, wayna dhinteen dhammaantood.”

Rakaabka diyaaraddaan la socday ayaa waxay ka dhoofeen Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Waxayna dhalashoodu kala ahayd, 44 qof oo Ruush ah, siddeed Ukirain u dhashay, laba Hindi ah iyo qof Uzbekistaani ah.”

Laakiinse, Shirkadda diyaaraddaan iska lahayd, ayaa waxay iyaduna sheegtay in Rakaabka ku geeriyooday diyaaradooda ay isugu jireen 33 haween ah, 18 rag ah iyo Afar carruur ah.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Spain ayaa sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha diyaaraddan ay Spanish ahaayeen, qof kalena uu Colombian ahaa. Sidoo kale laba ka mid ah shaqaalaha ayaa kasoo kala jeeday Ruushka iyo Seychelles, halka ruux ka mid ah uu u dhashay mid ka mid ah Waddamada Bartamaha Qaaradda Aasiya ku yaalla, halka duuliyuhu uu isagana kasoo jeeday Qubrus.

Dhanka kale, Kooxda baarayaasha ah ayaa sheegay in ay heleen Sanaadiiqdii Madoobaa ee diyaaradda, kuwaasoo ay xuseen inay baaritaanno dheeraad ah ku sameynayaan, si loo helo xog dheeraad ah.

Ugu dambeyn, Baarayaasha burburka diyaaraddaan oo Nooceedu ahaa 737 ayaa la sheegay in uu Bur-burkeedu ku baahay dhul-baaxaddiisu tahay 1.5-km oo isku wareeg ah. Waxaana Diyaaradihii kale ee ku degi lahaa garoonka Rostov-on-Don - isla markiiba loo Wareejiyay garoonka diyaaradaha Krasnodar oo 300-km u jira Garoonka ay ku burburtay diyaaraddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya