4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
QARAX Khasaare badan Geystay oo ka dhacay Maanta Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ahaa oo goor-dhaw ka dhacay dukaammo ay dal-xiisayaashu wax ka iibsadaan oo ku yaalla bartamaha magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, iyadoo 20 qof oo kalena la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxani ka dhacay ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo booliisku ay wataan oo halkaas ka qaadayay dhaawacyada & dhimashada, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyada Qaraxaan is-miidaaminta ah.

Wararka, ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa mid uu fuliyay qof jirkiisa ay ku xir-naayeen Waxyaabaha Qarxa. Waxaana goobta uu qaraxan ka dhacay oo ah meel ku dhow fagaaraha Istikhlaal oo ah goob dabayaaqada toddobaad walba ah meel aad u mashquul badan, oo dad badani isugu yimaadaan si ay u dukaameystaan.

Qaraxan ayaa imaanaya, iyadoo Axaddii lasoo dhaafay uu Qarax weyn oo xarunta Turkiga ee Ankara ka dhacay oo ay ku dhinteen 37 qof, ayna tiro kale ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, Waxaana qaraxaas Mas’uuliyaddiisa sheegatay koox lagu magacaabo TAK oo horay uga go’day kooxda PKK ee xukuumaddu ay kula jiro dagaal.

Sidoo kale, Bishii lasoo dhaafay ee feberaayo ayaa weerar bam oo lala beegsaday Kolonyo Millateriga Turkiga ka tirsan oo ka dhacay magaalada Ankara waxaa ku dhintay 28-qof oo ay ku jiraan cidammadii la weeraray, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan toban ruux.

Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay, ayaa waxaa sidoo kale in ka badan 100-qof ay ku Geeriyoodeen laba qarax oo lala eegtay dibad-bax nabadeed oo ka dhacayay magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay Kooxaha argagixisada ah beegsadaan shacabka, isagoo u sababeeyay guul-darrooyinka ay ciidamada ammaanka dalka Turkiga kala kulmeen.

Ugu dambeyntii, Erdogan ayaa hadalkiisa ku daray inay Weerrarada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada ah kordhinayaan, si ay uga adkaadaan, isagoo kooxda PKK ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Qaraxyada ka dhaca dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya