4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Dhaq-dhaqaaqyo u Dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab oo ka Socda Deegaanka Gara-cad


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Garacad ee gobolka Nugaal, halkaasoo toddobaadkii hore ay gaareen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wariyaha HOL ee Puntland ayaa soo sheegaya in Shacabkii ku Noolaa Garacad ay intooda badan ka barakaceen, iyagoo ka baqdin qaban in dushooda lagu dagaallamo, wuxuuna intaa ku daray in dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku ay lasoo daristay baqdin weyn.

“Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab waxay isku yaraan masaafo 7-km ah, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo u muuqda kuwo colaadeed,” ayuu Abaadir C/qaadir oo ah wariyaha HOL uga soo warrrama deegaannada Puntland yiri.

Sidoo kale, Wariyaheenna ayaa soo sheegay in Saraakiisha ciidamada Puntland ay intooda badan ay haatan joogaan deegaannada dhawaanahan dagaalladu ku dhexmarayeen ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

“Deegaannada xeebaha-bari ee Nugaal waxaa xalay gaaray saraakiil fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland, waxaana ka mid ah; Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Jen. Siciid Dheere, taliyaha ciidamada ku sugan Buuraha Galgala, Col. Sumeysane iyo saraakiil kale,” ayuu yiri Wariyaheenna Abaadir C/qaadir.

Wariyaheenna ayaa intaas ku daray in Wasiirka Ammaanka Puntland Qarjab iyo sidoo kale saraakiil Hoggaanka Ciidamada Puntland ka tirsan ay iyaguna gaareen maanta Jarriiban oo ka tirsan gobolka Mudug, inkastoo aan la ogeyn halka ay uga gudbi doonaan.

Ugu dambeyn, Deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee gobolka Nugaal, ayaa waxaa iyana ku sugnaa saraakiil ay ka mid yihiin; Taliyaha Ciidanka Bir-madka ee Puntland, Af-galow, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cumar Fara-weyne, taliyaha kumaandoosta Puntland Col. Jimcaale, Col. C/qaadir Faarax Ereg iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya