4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2016
Dabley ka tirsan Al-shabaab oo dil iyo dhaawacyo ka Geysatay Deegaanka Buug-gaabo ee J/Hoose


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Xoogag hubeysan oo ka Tirsan Al-shabaab ayaa ku dilay Saddex Ruux, Lix kalena ku dhaawacay goob dhuxusha lagu gubo oo ku taalla Buur-gaabo oo qiyaastii 240-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo Al-shabaab ay ku qaaddo goobaha lagu shido dhuxusha ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxaana dadkii dhintahy iyo kuwii ay dhaawacyadu soo gaareen ka qaaday goobtaas ehelladooda.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa horay u mamanuucday in dhirta la jaro si dhuxul looga sameeyo, sidoo kalena waxay mamanuucday in dhuxusha goobaha ay ka taliso laga dhoofiyo, inkastoo dhowr jeer lagu eedeeyay inay lacago badan ka hesho dhoofinta dhuxusha.

Sidoo kale, ciidamada Kenya iyo maamulka Jubbaland ayaa horay waxaa loogu eedeeyay inay dhoofinta dhuxusha ka helaan lacago fara badan, waxaana lagu xusay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay dhawaan in dekedda weyn ee Kismaayo laga dhoofiyo dhuxul sharci-darro ah.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa waxay sanadkii 2014-kii mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo ay ku sheegtay inay qayb ka tahay cadaadisyada ka dhanka ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya