4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
SAWIRRO: C/weli Gaas oo Itoobiya ka Dalbaday in Puntland ay ka Taageerto dagaalka Al-shabaab

Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] oo saaka gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta la kulmay saraakiil sare oo ciidanka Itoobiya ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Jen. Samora Yonis iyo taliyaha Sirdoonka millatariga Jen. Gabredela.

C/weli Gaas ayaa saraakiisha ciidamada Itoobiya kala hadlay sidii qalab ciidan ay Puntland ugu caawin lahaayeen, ayna gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada soo weerartay Puntland, kuwaasoo uu sheegay inay doonaya inay isku ballaariyaan Geeska Afrika oo dhan.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa Saraakiisha u sharraxay muhiimada ay leedahay inay Puntland iyo Itoobiya iska-kaashadaan is-dhaafsiga xogaha la xiriira Argagixisada iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabad-galyada iyo xasilloonida ka hana-qaaday Puntland iyo Itoobiya, maadaama buu yiri inay wadaagaan xuduud dheer.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray inay Puntland isaga filan tahay cid walba oo isku-dayda inay amnigeeda qal-qal-geliso, ayna Amni-darro Puntland, isla markaana aanay jirin baahi loo qabo ciidamo shisheeye oo la keeno, balse ay Ciidamada Puntland u baahan yihiin in laga caawiyo tababarada iyo taakulaynta.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada Itoobiya - ayaa Dhankooda ballan-qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Puntland dhanka tababbarka ciidamada, ayna wixii ay uga baahdaan oo taakuleyn ah.

Ugu dambeyntii, waxay saraakiishu xuseen inay Itoobiya diyaar u tahay inay kala shaqeyso Puntland is-dhaafsiga xogaha argagaxisada, kaasoo ay sheegeen inay yihin cadowga keliya ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya