4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Saraakiisha Puntland oo Sheegay inay Guulo ka gaareen Dagaalo ay la galeen xoogaga Al-shabaab


Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay Dagaallo culus oo ay maanta xoogag ka tirsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland ka gaareen guulo waa-weyn.

Warbixinno ay warbaahinta siiyeen, ayay saraakiishani ku sheegeen in dagaalkii maanta ay uga dileen xoogag badan oo Al-shabaab ka tirsanaa, ayna ka saareen goobihii ay maanta ku dagaallameen, inkastoo ay sheegeen in weli uu dagaalku socdo.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa illaa hoggaantii toddobaadkan dhaq-dhaqaaq ka waday deegaanada xeebaha Bari ee Puntland, gaar ahaan Garmaal, Garacad Suuj iyo kuwo kale, iyadoo dhowr jeer ay dagaallo la galeen ciidamada Puntland.

Cumar C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha Puntland ayaa u sheegay Reuters inay 19 xoogaga Al-shabaab ka tirsanaa ku dileen Dagaallada ka socda deegaanno 90-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada  Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Dagaallo culus ayaa weli ka socda deegaanka SUUJ, inkastoo qaybo badan oo ka mid ah laga saaray Al-shabaab,” waxaa sidaas Reuters u sheegay sarkaal kale oo lagu magacaabo Maj. Maxamed C/llaahi.

Saraakiisha u hadlay maamulka Al-shabaab ayaan sheegin khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray, inkastoo Jen. Muxyadiin Axmed Muuse oo maanta BBC-da la hadlayay ayaa sheegay inay saddex askari uga dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Suuj.

Al-shabaab, ayaan weli ka hadlin khasaaraha la sheegayo inay kasoo gaareen xoogaggooda iska-horimaadyadii maalmihii u dambeeyay ka socday deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta u dirtay diyaarado ay ku raran yihiin saanado ciidan iyo raashin Puntland, kuwaasoo ay sheegeen inay ka qayb ka yihiin taakuleynta Puntland si ay uga adkaato Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya