4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Haweenka Jubbaland oo ka Codsaday Madaxda Maamulka in la siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin
Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) —Kulan shan maalmood magaalada Kismaayo uga socday ururka haweenka sedexda gobol ee Jubaland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ayadoo xafladdii xiritaanka ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan Jubaland.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka Jubaland ayaa waxaa gacan ka siiyay hay'adda TIS Plus, ayadoo haweenku ay kulamadoodii kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ay u gudbiyeen madaxda Jubaland.

Qamar Deeq Khaliif, wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska Jubaland oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in haweenku soo saareen qodobo ay kamid yihiin la siiyo saamiga 30% ee ay ku leeyihiin awood qeeybsiga dalka, ayagoo ka codsaday madaxda Jubaland in aysan ilaabin haweenka oo ay siiyaan xuquuqdooda.

Waxay sheegtay in haweenku aysan dooneyn madaxweyne, raysul wasaare iyo Gudoomiye baarlaman, balse ay xaq u leeyihiin in ay helaan wasiirro, xildhibaanno iyo agaasimeyaal.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif iyo afhayeenka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax oo goobta ka hadlay, ayaa waxay sheegeen in haweenku kaalinta ugu muhiimsan ay uga jiraan bulshada, iyagoo xusay inay ku caawin doonaan sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ugu dambeyntii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jubbaland ay haweenku siin doonto saamiga dastuuriga ah, isagoo intaas ku daray in madaxda Jubbaland ay ka go'antahay in haweenku kaalin laga siiyo hogaanka Jubaland.

Ugu dambeyn, Kulankan maanta lasoo gaba-gabeeyay ayaa socday muddo shan Maalmood ah, iyadoo ay isugu yimaadeen Haween fara badan oo ka kala yimid Seddexda gobol ee ay ka kooban tahay Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya