4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Dowladda Somalia oo Maanta u dirtay Puntland diyaarado sida taakulo isugu jira hub iyo raashin


Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta u dirtay Puntland laba diyaaradood oo sida saanado ciidan iyo raashin, kuwaasoo ay mid ka mid ah ku deeqday dowladda Somalia, halka midda kalena ay Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku deeqday.

Taageeradaan maanta loo diray maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay sidii loo jabin lahaa xoogag ka tirsan Al-shabaab ee dhawaan qabsaday deegaano xeebaha-bari ee gobolka Nugaal ku yaalla.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde markii ay diyaaradahan saanadda ciidan wada ka dhoofayeen ayaa xusay inay qayb ka tahay gacan-siinta ciidamada Puntland si ay uga adkaadaan kooxda Al-shabaab ee dhawaan duullaanka ku qaaday deegaano maamulkaas ka tirsan.

“Dowladda Somalia waxay maanta saanad millateri oo ay ugu talo-gashay in ay ciidamada Puntland u istimcaalaan sidii ay deegaannada Puntland uga sifeeyaan kooxda nabad-diidka ah ee firxadka ku tagay deegaanadaas dhawaan,” ayuu yiri wasiir Maareeye oo la hadlayay warbaahinta.

Mar la weydiiyay mas’uuliyiinta dowladda inay ka war-hayeen inay Al-shabaab u wareegi doonto Deegaannada Puntland iyo in kale, ayaa waxay ku jawaabeen in laga War-hayay, balse la moodayay in deegaanadaas ay alaabi uga soo dagayeen, lamana moodayn inay ku qaadayaan duullaan intaas le’eg.

Sidoo kale, Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Cali Baashi Maxamed oo isagana la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay ciidanka xoogga dalka ay mar walba garab-taagan yihiin ciidamada Puntland, ayna diyaar u yihiin haddii ay ka dalbato Puntland inay ciidammo ka tirsan ciidamada xoogga dalka u diraan si ay uga qayb-qaataan dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

“Marka ciidan la taakuleynayo, waxaa laga Taakuleeyaan; dhinaca saanadda, sida Rasaasta iyo Raashinka. Waxaanan maanta diyaaradahaan u saarnay Saanadahaas Qaybta 54-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku sugan aagga lagu dagaalamayo ee ka tirsan Puntland, waana taageero mar walba ay ciidamadu bixiyaan,” ayuu Jen. Cali Baashir yiri, mar uu faahfaahin ka bixinayay saanadaha ciidan ee dowladda Somalia ay Puntland u dirtay maanta.

Jeneraal Cali Baashi ayaa intaa ku daray. “Haddii ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab laga xoog roonaado, waxaan diyaar u nahay inaan u dirno ciidammo haddii ALLE Idmo, si loo jabiyo kooxaha duullaanka ku qaaday deegaannadaas.”

Dhanka kale, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayaa hadalkiisa ku daray in Al-shabaab ay doonayso inay gabbaad ka dhigato Deegaannada ku yaalla xeebaha Somalia, si ay uga dhoofiyaan Ajaanibta ka bar-bar dagaallama, kaddib markii looga itaal-roonaaday dagaalladii Koonfurta Soomaaliya ka socday.

Ugu dambeyn, Saanaddaan ciidan ee maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dirtay Puntland ayaa kusoo beegmaysa, xilli war-saxaafadeed shalay kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Puntland lagu sheegay in aysan jirin wax is-kaashi ah oo Dowladda Somalia ay kala leeyihiin dagaallada ay kula jiraan Xoogagga Al-shabaab ee ku sugan xeebaha-bari ee Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya