4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2016
Sacuudiga oo Sheegay inuu Soo Afjari Doono Duqeymaha uu Kawado Yemen

Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL)-Dawlada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in goor dhow lasoo afjari doono duqeyntii ay ku heysay ayada iyada xulufadeedu dagaalyahanada Xuutiyiinta ee dalkaasi Yemen.

Afhayeen u hadlay dawlada dalkaasi Sacuudiga ayaa sheegay in dagaalkaas oo socda muddo kudhow hal sano ay soo afjari doonaan. Mareykanka ayaa arintaa durba  soo dhaweeyay.

Si kastaba ha ahaatee, horay ayaa khubaro ay u sheegeen in isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo uu duqeeyay meelo dad rayid ah ay kusugnaayeen ayagoo dabadeed dadkaa rayidka ah gaarsiiyay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaxooti badan oo Soomaali ah oo dhowr iyo labaatankii sano ee dagaalka sokeeye uu kajiray Soomaaliya u qaxayay Yemen ayaa markii duqeyntu ka bilaabatay Yemen qaarkood dib ugu soo noqdeen Soomaaliya.  

 

Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Magaalada Nairobi