4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Dagaal culus oo mar kale ka billowday deegaanka SUUJ oo ka Tirsan Gobolka Nugaal ee Puntland


Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawaan gaaray Deegaannada Xeebaha-bari ee Puntland ayaa maanta mar kale ka Qarxay Togga SUUJ oo ka tirsan Gobolka Nugaal ee Puntland.

Wararka laga helayo Puntland ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan oo ah mid aad u culus, waxaana la sheegayaa in rasaas culus is-weydaarsanayaan labada dhinac ee dagaalkani uu u dhexeeyo.

“Hugunka rasaasta inaad maqlayso ayay il tahay… waxaan hadda joogaa deegaanka SUUJ oo uu dagaal ka socdo, kaasoo u dhexeeya ciidamadeenna iyo kooxihii deegaannadaan soo galay,” ayuu yiri Jen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Hoggaaminaya ciidamada Puntland ee dagaallada culus kula jira xoogagga la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo BBC-da la hadlay xilli uu dagaal xooggan socday.

Sidoo kale, Jen. Muxyadiin Axmed ayaa intaa ku daray in dhankooda ay saddex Askari uga dhaawacmeen, Dhinaca kalena khasaare badan ayaa gaartay, Welina dagaalku wuu socdaa, isagoo hadalkiisa raaciyay in ciidamadooda ay isticmaalayaan hub aad u culus, dhanka kale ay iyaguna haystaan hub kala duwan, wayna ridayaan.

“Xoogagga deegaanka Suuj ku sugan waxay xalay isku dayeen inay deegaanka ka baxaan, balse waanu horjoog-sanay, haatanna dagaal ayaa socda, haddii ALLE idmana waanu soo af-jaraynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkan Puntland u hadlay.

Jen. Muxyadiin ayaa la weydiiyay in dagaalku uu socdo saddex maalmood, mar walba aad sheegtaan in dhaawacyo fudud ay askartooda soo gaartay, marka sidee dagaal intaas socda uu hal askari idin kaga dhiman waayo, wuxuuna kaga jawaabay.

“Annagu xaq ayaan ku soconnaa… ee xaq-darro kuma soconno… midda kalena haddii aan doonayno inuu khasaaruhu barto haddaba waan soo afjari karnaa, khasaaraha badanni waan sheegi karnaa, laakiin waxaan doonaynaa innagoo Ciidankeennu uusan khasaare soo gaarin aan dagaalka soo af-jarno.”

Ugu dambeyn, Sarkaalka ayaa la weydiiyay xilliga ay soo af-jarayaan dagaalka, maadaama uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa, wuxuuna ku jawaabay in dagaalkaan xilli uu qaadan karo, laakiinse ay ku dadaalayaan inay soo af-jaraan, iyadoo khasaare uusan soo gaarin ciidamadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya