4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab ee Puntland


Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xueen Guuleed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ee goolka Galguduud ayaa ka hadlay xoogagga Al-shabaab ee qabsaday deegaanno Puntland ka tirsan.

C/kariim Xuseen ayaa sheegay inay Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland ka caawiso dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan iyo sidii looga adkaan lahaa Kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah.

Sidoo kale, Guuleed ayaa sheegay in qaar ka mid ah deegaannada Galmudug ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dhawaan halkaas galay, taasoo uu xusay inay khatar u yihiin maamulkiisa.

DHAGEYSO: Shirkii Jaraa'id ee Madaxweynaha Galmudug uu ku Qabtay Cadaado;

“Waxaa ayaan-darro ama nasiib-darro ah oo aan ka xunnahay in Al-shabaab ay duullaan ku qaaddo deegaannada Puntland oo aanu walaalo nahay, Innagu waxaan diyaar u nahay inaan la yeelanno iskaashi dhanka la dagaalanka Al-shabaab ah,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Somalia inay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee dhinaca badda ah, ayna waajib tahay inay tallaabo ka qaadaan.

Ugu dambeyn, C/kariin Guuleed ayaa xusay inuu aaminsan yahay in duqeymihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee la beegsaday Xoogagga Al-Shabaab ay ugu wacan tahay inay u cararaan dhanka Puntland iyo Galmudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya