4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2016
Madaxweynaha Puntland oo Itoobiya tagay kuna Wajahan Puntland, kaddib Weerarka Al-shabaab


Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo safar ku marayay Mareykanka, ayaa soo gaaray maanta Addis Ababa, iyadoo lagu awdo filayo inuu kulammo kula qaato mas’uuliyiinta Itoobiya.

C/weli Gaas ayaa soo gaabinta safaradii uu ku joogay Mareykanka, taasoo imaanaysa xilli ay Xoogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iiyo xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, Gaas ayaa la sheegay in madaxda Puntland uu kala hadlayo madaxda Itoobiya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, xaaladda Puntland iyo guud ahaan Somalia, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulammadan kaddib ku laaban doona Puntland, maadaama ay maalmihii ugu dambeeyay dagaallo ay ku dhexmarayeen ciidanka Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab deegaanno ku yaalla xeebaha bari ee Puntland.

Dhanka kale, Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland ay isaga filan tahay Dagaallada ay ku soo qaadday Al-shabaab, isagoo xusay in aysan u baahnayn ciidammo ka socda Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in in Puntland ay u baahan tahay in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, sida Somalia looga caawiyo dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya