4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2016
Iska-horimaad Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab Xalay ku Dhex-maray Togga SUUJ

Jimco, Maarso 18, 2016 (HOL)-Ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii xarakada Alshabaab ee dhawaan qabsaday qeybo ka mid ah Puntland ayaa xalay ku dagaalamay togga Suuj.

Toggaasi Suuj ayaa wuxuu kuyaala gobolka Nugaal. Tan iyo shalay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu halkaasi dagaalku kasocday ilaa xalay. Xukuumada Garowe ayaa sheegtay in ay khasaaro lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiisay kooxda Alshabaab ee halkaa ay isku fara saareen.

Dawlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay damacsan tahay inaysan u ogolaan dableyda halkaa kujirta inay meeshaa ka baxsato haatana ay ciidamadeedu go'doomiyeen.

Dhankeeda ayay sheegtay Puntland inay labo askari uga dhinteen dirirtaasi halkaasi ka socotay tan iyo shalay. Waxay kaloo xukuumada Puntland sheegtay in askarteeda dhawaacyo ay soo gaareen walow intooda badan ay sheegtay inay yihiin dhaawacyo fudud.

Wax war ah kama soo bixin xarakada Alshabaab weli kaasoo ku saabsan dagaalka halkaa ka dhcay.

Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Magaalada Nairobi