4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
PUNTLAND: Ma jiro wax iskaashi ah oo Dowlada Somalia aan kala leennahay dagaalka Al-shabaab


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Shir Golaha Wasiirada Puntland ay Garoowe Maanta ku yeesheen, ayaa laga sheegay inaysan jirin wax iskaashi ah oo Puntland ay Dowladda FS la leedahay, marka la eego dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab ee dhawaantan soo weeraray deegaannada ku yaalla Xeebaha Gobollada Mudug iyo Nugaal, iyagoo sidoo kale waxay walaac ka muujiyay ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia oo ay sheegeen inaysan jirin wax taageero oo ay kaga heleen la-dagaallanka Al-shabaab.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Camay], ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed lagu sheegay in Puntland ay dagaal kula jirto Al-shabaab oo 14-kii bishan duulaan culus kusoo qaaday deegaannada ku yaalla xeebaha gobollada Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale, Puntland ayaa fariin u dirtay waddamada gacanta ka siiya dowladda Fadaraalka dagaalka ay kula jirto Al-shabaab kuwaasoo ay ka mid yihiin; Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Mareykanka, iyo weliba ururada IGAD iyo Midowga Yurub inay gacan ka siiyaan ciidanka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxaha soo weeraray deegaanno ka tirsan Puntland.

Dhanka kale, War-saxaafadeedkan Maanta ayaa shacabka Puntland loogu baaqay inay isku diyaariyaan dagaal furan oo lala galo kooxda Al-shabaab oo ay xuseen inay kusoo duushay deegaannada Puntland ee ay xasilloodniu ka jirtay.

AKHRISO; BAYAANKA UU MAAMULKA PUNTLAND SOO SAARAY MAANTA


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya