4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Shirkii dib u eegida Dastuurka dalka ee ka socday Baydhabo oo lasoo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)

Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Shirkii dib u eegista dastuurka Somalia ee magaalada Baydhabo ka socday saddex maalmod ee lasoo dhaafay, ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, waxaana intii uu kulankaan socday lagu soo bandhigay arrimo ku saabsan hannaanka dib u eegista dastuurka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Somalia oo kulankaan soo Qaban-qaabisay ayaa waxaa kulammo gaar-gaar ah loogu qabtay qaybaha Bulshada ee maamulka Koonfur-galbeed, xildhibaannada heer federaal iyo heer gobol, siyaasiyiinta, Culummada, haweenka odayaasha dhaqanka, iyo dhallinyarada.

Kulamadan ayaa waxay isugu jiray talo-wadaag iyo xog-ururin lala sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo xiritaankii shirkan ay khudbado ka jeediyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur-galbeed, iyagoo si isku mid ah uga hadlay muhiimada uu shirkan lahaa iyo xilliga lagu soo beegay qabashadiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo Xiritaankii kulanka ka hadlay ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu Shirkan faa’iido u lahaa shacabka deegaanada Koonfur-galbeed ku nool, isagoo uga mahad-celiyay Wasaarada Arrimaha Dastuurka Somalia sid ay shacabka Koonfur-galbeed u siisay fursada ay aragtidooda kusoo bandhigeen iyo weliba doorka kaga aaddan dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka maamulka, Koonfur Galbeed, C/qaadir Nuur Carraale ayaa ku Dhiirri-geliyay isagana shacabka muhiimada wacyi-gelinta geeddi socodka dib u eegiska dastuurka ay u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, guddiga la socodka Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Guddiga Madaxa-bannaa ee dib u eegista dastuurka dalka, ayaa dhankooda bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Aragtidooda u soo bandhigeen dhammaan Xubnihii ka qayb-gashay shirarkii Wada-tashiga arrimaha dastuurka ee degmada Baydhabo lagu qabtay.

Ugu dambeyntii, Waxaa shirka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Somalia, isagoo tilmaamay in shirkani uu yahay mid muhiim ah, isla markaana shirar noocaan oo kale lagu qaban doono Magaalo-madaxyada maamul-goboleedyada, si Bulshada ku dhaqan loo siiyo fursad ay aragtidooda ugu darsan lahaayeen dastuurka Somalia ay yeelanayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya