4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Gargaar loogu talo-galay 500-Qoys oo Maanta ka Ambabaxay Degmada Laas-caanood ee G. Sool


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Raashin loogu talo-galay in lagu caawiyo in ka badan 500 oo Qoys oo abaaro la il-daran, ayaa maanta ka Ambabaxay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kaasoo ku wajahnaa deegaanno ka tirsan Gobolka.

Deeqdan raashinka ah oo ka koobnaa; Bariis, Daqiiq, Sonkor, Saliid, Timir iyo Cabitaanno, ayaa ku wajahan Deegaanada Xudun, Yagoori & Kala-bayr oo gobolka Sool kawada tirsan gobolka Sool, iyadoo ay raashinkaan ku deeqday dawladda Kuwait.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, C/rashiid Xirsi Dalmar oo saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaanu raashinkan Gar-gaarka ah waxba ka tari-karin dhibaatada gobolka Sool ka taagan, laakiinse ay dadka u kala eegayaan sida ay u kala daran yihiin.

 

"Waxaan u mahad-celinaynaa xukuumadda Kuwait oo raashinkaan ku deeqday, waxaana ka degmo ahaan door-bidnay in degmooyinka dhibaatadda liidata ay ka jirto aan u dirno raashinkan, ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cismaan Saleebaan oo intaas ku daray inuu baaq u dirayo hay’adaha iyo xukuumadda si ay kaalintooda uga qaataan caawinta dadka abaartu saameysay.

Sidoo kale, Waxaa isaguna Xarunta ka hadlay Guddoomiyeyaasha Deegaannada loo diray raashinkan, iyagoo sheegay inay la wareegeen, ayna gaarsiinayaan dadka loogu talo-galay ee abaaruhu dhibaateeyeen.

Ugu dambeyn, Raashinka oo ahaa mid wax-tar leh ayaa wax weyn ka bedelaya haddii sidii loogu talo-galay loo gaarsiiyo dadka uu ku socdo, iyadoo guddiga abaaruhuna ay sheegeen inay muhiimadda ugu weyn siinayaan inay qaybinta gar-gaarkan la soconayaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool