4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Hay'adda Sovoyodo oo tababar dhanka Xirfadaha ah u soo gaba-gabaysay Dhalinyaro Soomaaliyeed

Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL)- Tiro dhan 50 arday oo isugu jira wiilal iyo Gabdho ,isla markaana dhamaystay xrifado ay kamid yihiin Korontada ,Dawaarka ,Shaqo Guri iyo waliba xirfadda Hospitality-ga ka ayaa maanta ka qalin-jibyay xarunta tababarada ee hay'adda Sovoyodo.

Munaasabad Qalin-jabin ah oo lagu qabtay hotelka Jubba ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas'uuliyiin ay kamid yahiin duqa degmada Bosaaso ,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari ,wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland iyo waliba marti sharaf kale.

Agaasimaha Hay'adda Sovoyodo Maxamed Wali Xasan Gooni oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in mashruucan xirfado loogu abuurayay dhalinyarada Soomaliyeed een aan helin fursadaha waxbarasho ee ka jira dalka.

"Mashruuca Ardayda wax lagu barayay waxaa maal-galisay hay'adda USADF ,waxaase fulinaysay Hay'adda Sovoyodo xarunteeda magaalada Bosaaso" ayuu yiri  Agaasimaha oo tilmaamay in Fursaddan ay faa'iido u tahay dhamaan umadda Soomaaliyeed.

"Xirfadaha aan barnay waxa ay isugu jiraan Dawaarka ,Shaqo Gurri ,Korontada iyo waliba  Hopitality oo ardaydu ay ku barteen habka looga shaqeeyo goobaha caalamiga ah sida Hotelada iyo goobaha dalxiiska" ayuu mar kale yiri.

Duqa degmada Bosaaso Eng. Yaasiin Mire oo Munaasabdda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay maamulka iyo tababarayaasha Hay'adda Sovoyodo waxaana uu sheegay in qorshahan uu wax badan ka qaban doono dhibaatada Tahriibka ee dhalinyarada.

Mas'uuliyiinta kulanka ka soo qayb-galay waxaa kamid ahaa  Cabdinaasir Axmed oo ka socday hay'adda SOKKO oo kormeeraysa mashruucan ,waxaana mar uu hadlayay uu sheegay in ardayda xirfadaha la baray ay bulshada ku taageeraan xirfadahooda.

Ardaydan ayaa goobta lagu gudoonsiiyay qalab-kii ay ku shaqaysan lahaayeen ,iyadoo 30 kamid ah dhalinyarada wax la baray ay gabdho ahaayeen ,waxaana ay ahayd qaybtii koowaad ee mashruucan oo lagu tababarayo 200 oo Dhalinyaro Somali ah.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabadulaahi Jaamac ayaa goobta ka balan-qaaday in uu shaqaalaysiin doono qaar kamid ah dhalinyarada xirfadaha loo tababaray ,waxaana uu ku baaqay in xoog-ga la saaro xirfadaha.

Ugu danbayn , qaar kamid ah dhalinyarada la tababaray ayaa u mahad-celiyay  hay'adda Sovoyodo ,waxaana ay balan-qaadeen in bulshada ay gaarsiin doonaan aqoontii ay barteen ,isla markaana ay ku shaqaysan doonaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]