4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
SAWIRO: Jabuuti oo Maanta lagu soo bandhigay kaamirooyin casri ah oo loo adeegsado Amniga


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka qayb-galay maanta xaflad lagu soo bandhigay kaamirooyinka casriga ah ee la shaqeeya laamaha amaanka oo ah kuwo qarsoon oo qaadi kara filimaan tayo leh.

Bandhigan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaarada warfaafinta, boostada & isgaarsiinta Jabuuti, waxaana goob-joogayaal ka ahaa wasiirka warfaafinta Jabuuti, marwada koowaad ee Jabuuti, agaasimaha shirkadda Telecom Jabuuti, M. Mohamed Assoweh iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale, bandhigga ayaa waxaa si weyn uga dhex-muuqday laamaha ammaanka Jabuuti sida; booliiska iyo shirkadda caalamiga ah ee G4S oo Amaanka ka shaqeysa iyadoo ay soo bandhigeen ha'yadahan kaamirooyinka wax duuba iyo agab kale oo loo adeegsada sugidda ammaanka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafladda ka sheegay in adeegyada maanta lasoo bandhigay ay muhiimad gaar ah u leeyihiin amniga Jabuuti iyo nolosha bani’aadamka.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo Xukuumadda Jabuuti ay soo ban-dhigto qalab casri ah oo ay ka mid yihiin; kaamirooyin noocaan oo kale ah oo la shaqeynaya Hay’adaha amniga, waxaana inta badan hoteellada garoonka diyaaradaha iyo goobaha muhiimka ah ku xiran kaarimooryinkan oo kale oo loogu talo-galay inay duubaan cid walbo, si loo helo cid walba oo ku lug yeelata falalka ammaanka wax u dhimaya.

C/qaadir Muuse Gaare
[email protected]
Magaalada Jabuuti, Djibouti