4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
FARMAAJO: Waxaan Qabaa in 4.5-ka lagu bedelo Xisbiyo Siyaasadeed 2020-ka (DHAGEYSO)


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in isha uu ku hayo doorashada madaxnimo ee sannadkan ka dhici doonta Somalia, kaddib wareysi uu siiyay idaacadda Goobjoog FM oo xarunteedu tahay Muqdisho.

Farmaajo, ayaa Nasiib-darro weyn ku tilmaamay in madaxda dowladda Somalia ay go’aan ku gaaraan in doorashada ka dhici doonta sannadkan Soomaaliya lagu soo xulo hannaanka 4.5-ka ah oo ku saleysan qaab beeleed.

“Waa nasiib-darro aad u weyn in lagu saleeyo doorashada sannadkan Somalia ka dhicaysa nidaam beeleedka 4.5-ka, oo aan ognahay halka 14-kii sano ee ugu dambeeyay ay Somalia gaarsiiyay. Waxaanan innagu sugaynay in doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan lagu saleeyo codka shacabka Soomaaliyeed, oo ay ku xushaan hoggaankooda wuxuu dalkiisa u qabtay iyo qiimaha uu bulshada ku dhex-leeyahay, waxaana oran karnaa howshaas waxay ku dhamaaday fashil,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, RW hore ee Somalia oo la weydiiyay su’aal ahayd, waxay la tahay in loo gaari waayay in waddanka ay doorasho xor ah oo Qof & Cod ah ka dhacdo, isagoo ku jawaabay.

“Runtii dalkaan wuxuu la habsamay oo caalamka uga haray, uuna u noqday kan adduunka ugu liita… anigoo og in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin shacab fiican oo karti iyo dadaal badan. Waxaan uga harnay adduunka waa in hoggaanka Soomaaliya ay keeni waayeen xal looga gudbo dhaqan-xumada siyaasadeed ee halkii aan qabsado ha la ii gooyada ah. Taasoo ku dhisan Danta Guud kama shaqeynayo ee waxaan ka shaqeynayaa Danta Qabiilkeyga iyo midda aniga ii gaarka ah.”

DHAGEYSO: Wareysiga RW hore ee Somalia - Farmaajo uu siiyay Radio Goobjoog;

Farmaajo ayaa intaas ku daray in hoggaanka Somalia ay inta badan howshoodu tahay inay danahooda gaarka ah ka shaqeeyaan, intii ay ka shaqeyn lahaayeen Danta Guud. Wuxuuna xusay in danta guud ay tahay inay dadku codkooda si xor ah u dhiibtaan oo ay u codeeyaan ruuxii ay doonayaan inuu hoggaamiyo.

Mudane Famaajo oo mar kale la weydiiyay, su’aal ahayd; sida xaaladda dalka uu ku sugan yahay ay ula muuqato, haddii ay ahaan lahayd Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda. Isagoo ku jawaabay.

“Waxay iila muuqataa… dalku wuxuu u baahan yahay is-beddel siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amaan; taasaa waxay keenaysaa in natiijada doorashada bisha September ee 2016-ka ay kasoo baxaan hoggaan u carbisan inuu ka shaqeeyo danta guud ee ummadda. Waayo waanu og-nahay halka ay marayaan abaaraha, dhaqaale-xumida iyo ammaanka… Maanta Waxaa Somalia ka jira abaaro ay dad Soomaaliyeed ku baaba’ayaan. Nabad-galyo-darrada waan garanaynaa dhibka nabad-diidka Al-shabaab ay ummadda ku hayaan, waxayna ahayd in xilligaan Al-shabaab laga saaro dalka oo dhan, iyadoo qaybaha dadka Soomaaliyeed la kaashanayo, waayo haddii aan shacabkii la kasban, ciidamada aan mushaaraadkooda iyo xuquuqdooda la siin, waxay keenaysaa in Al-shabaab ay xoogeystaan oo dalka oo dhan ku kobcaan.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in ciidamadu ay yihiin awoodda dalka oo dhan ugu weyn, xilli hadda lagu jiro xaalad dagaal… Isagoo xusay in ay ahayd in ciidanka loo dhiso guryo… askarta dhintana carruurtiisa la xannaaneeyo, balse aanay mas’uuliyada dowladda saaran ahayn in mushaarka ciidamada la siiyo ee aadka u yar laga fikiro.

Ugu dambeyn, Wareysiga uu Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia uu siiyay Goob-joog FM oo aad u dheeraa, ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo fara badan, isagoo shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan dowladda oo aysan ka bixin, marka kalena ay sugidda ammaanka iyo canshuuraha bixintooda kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya