4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
WARBIXIN: Waa Halis Caalamka soo Wajahaysa Haddii Donald Trump uu Noqdo Madaxweyne


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Donald Trump oo dalka Mareykanka madaxweyne ka noqda, ayaa lagu Tilmaamay halista lixaad ee ugu weyn ee uu Caalamka wajahayo, sida ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay koox cilmi-baaris sameysa oo lagu magacaabo EIU oo fadhigeedu yahay Britain.

Kooxdan ayaa sheegtay in halista ka imaan karta Donald Trump ay u dhiganto halista ah in argagixisada ay xasilooni-darri ku abuuraan dhaqaalaha caalamka. Iyagoo intaa ku daray in halista ugu weyn ee dunida iminka ay wajahayso ay tahay dhaqaalaha sida xowliga ah hoos ugu sii dhacaya ee waddanka Shiinaha.

Sidoo kale, kooxda ayaa warbixinteedan ku xustay in midda taas ku xiga ay tahay dagaalka qabow ee ka dhashay taageerada xukuumadda Ruushka ee Siiriya iyo kan dalalka Ruushka iyo Ukraine u dhexeeya.

EIU ayaa waxay xustay inaysan u maleynayn in Donald Trump uu ku guuleysan doono in uu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada bisha November ee sanadkan 2016-ka Mareykanka, balse waxaa jira bay tiri, fursad taas ay ku dhici karto, isla markaana yeelan doonta sameyn xoogan.

Dhanka kale, kooxdan fadhigeedu yahay UK ayaa cabsida laga qabo Doland Trump sabab uga dhigtay Naceybkiisa ku wajahan ganacsiga xorta ah, dalabkiisa ah; in la dilo Qoysaska argagixisada ah, ciidammo loo diro dalka Siiriya iyo gooni u riixistiisa dalalka Shiinaha iyo Mexico oo hurin kara dagaal ganacsi oo ka dillaaca Dunida oo dhan, isla markaana xoojin kara argagixisada.

Ugu dambeyn, Donald Trump ayaa ka mid yahay xubnaha ugu fir-fircoon Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ah ee doorashooyinka hordhaca ah oo haatan ka socda Mareykanka, gaar ahaan xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya