4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
CADDE MUUSE: Puntland Haddii aan la difaacin - Natiijadu waxay Noqonaysaa inay BUR-BURTO


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay maanta weerarka boqolaal xoogagga Al-shabaab ka tirsan ay deegaannada Puntland ku qaaday, isagoo xusay in haddii aan la difaacin Puntland ay baaba’i  doonto.

Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inaanay ahayn markii u horreysay oo Puntland lasoo weeraro, wuxuuna shacabka guud ee Puntland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan sidii loo difaaci lahaa Puntland.

“Ma ahan markii u horreysay oo Puntland lasoo weeraro, cadowgii horay u soo weerarayna waa baabi'iyay, waana laga saaray, weerarkana ma ahan mid nagu cusub. Maanta waa in la difaaco Puntland, hadiise aan la difaacin way baaba’aysaa,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, Cadde Muuse Xirsi.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in duulaanka Puntland lagu soo qaada ay tahay mid siyaasadeed, lana doonayo Al-shabaab iyo kooxaha kale loo tuso inay Puntland tahay mid daciif ah oo aan awood u lahayn inay is-difaacdo.

“Duullaanka socota way ku jiri karaan arrimo siyaasadeed, waxaana la rabaa in kooxahaan Weerarka soo qaaday loo tuso in ay Puntland tahay Daciif. Dad baa been u sheegaya oo ku oranaya ciidanka waa kala daadsan yihiin iyo waxyaabo kale oo been laga dhaadhiciyay,” ayuu Cadde Muuse hadalkiisa ku daray.

Cadde Muuse oo la weydiiyay su’aal ahayd; in duullaankaan uu yahay mid la xiriira 4.5-ka oo ay horay u diiday Puntland, wuxuuna kagaa jawaabay inaanay ahayn taas keliya, laakiin loo baahan yahay in Puntland laga difaaco Al-shabaab; wuxuuna intaas ku daray in kooxda Al-shabaab ay meel walba oo dalka ka tirsan ay dhibaatooyin ka geysanayso.

Ugu dambeyn, hadalka madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa imaanaya iyadoo uu madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) uu sheegay inay isku filan tahay Puntland oo ay iska difaaci doonto Al-shabaab, aysana u baahnayn in Ciidammo AMISOM ka tirsan la keeno deegaanno Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, deegaannadii Puntland ee ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ay ku dagaalamayeen ayaa maanta deggen, inkastoo saakay laga maqlayay deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal is-rasaaseyn u dhexeysa xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya