4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
DHAGEYSO: Wasiirka Arimaha Gudaha Soomalia oo Arimo badan kaga Hadlay waraysi uu siiyay HOL

Taabanaya
Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo maalmihii ugu dambeeyay joogay Beledweyne, ayaa maanta HOL siiyay wareysi dhinacyo badan, uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo salka ku haya muranka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa Wareysigiisa ku sheegay in ujeeddada socdaalka isaga iyo wafdiga la socda ay tahay sidii ay u dhameyn lahaayeen khilaafka iyo tabashada beelaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ee ka qayb-galka shirka Jowhar, isagoo xusay in illaa iyo hadda aysan jirin cid ay si toos ah arrimahaan uga wada-hadleen muddadii uu joogay Baladweyne, haddii ay ahaan lahaayeen duubabka iyo odayaasha dhaqanka intaba.

DHAGEYSO: Wareysiga Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka uu siiyay HOL;

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo wax lagu sixi karo - oo ay ku qancayaan sida uu hadalka u dhigay beelaha tabashada qaba.

C/raxmaan Odawaa ayaa wareysiga uga jawaabay eedeymo dhowr ah oo wasaaraddiisa iyo shaqsiyan isaga loo jeediyay, waxaana uu qaarkood ku tilmaamay in laga been-abuuray oo ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya