4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyay Safiirro cusub kana hadlay Abaaraha ka jira Soomaaliya


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ayaa maanta meel-mariyay lix safiir oo cusub, kuwaasoo waddamo ka mid ah Caalamka danjirayaal uga noqon doona, iyagoo sidoo kale ka hadlay abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah Somalia.

Shirka Golaha wasiirrada oo uu shir-gudoominayay ku simaha RW Somalia, ahna wasiirka cadaaladda Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac [Ilka-jiir], ayaa diiradda lagu saaray abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood, iyadoo goluhu xusay inay xukuumaddu qaadanayso hog-gaaminta dadaalka lagu caawinayo bulshada ay abaaraha ku yeesheen saameynta balaaran.

Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay golaha wasiirradu waxay ugu baaqeen isla maanta in ay ka Qayb-qaataan Gurmadka loo fidinayo Dadka ku nool Deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen.

 

Golaha wasiirrada Somalia ayaa sidoo kale magacaabay guddi u howlgalaya sidii gacan loo siin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, gudigaasoo ay Hogamain doonto; wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, ay xubno ka yihiin; Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Xanaanada xoolaha, Biyaha iyo shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo Hawl-gallada Al-shabaab ay wado maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la cambaareeyay falalkaas argagixiso.

Waxay kaloo, Golaha Wasiiradu maanta Ansixiyeen lix safiir oo cusub oo ay u soo gubisay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda FS, kuwaas oo aan weli la sheegin waddamada ay safiirrada ka noqonayaan, wawxayna magacyadoodu kala yihiin;

1. C/raxmaan Ducaale Bayle
2. Cali Shariif Axmed
3. Abuukar Cabdi Cismaan
4. C/raxmaan Sheekh Ciise
5. Sakhawadiin Mustafa Maxamed
6. Maxamed Xasan Cabdi

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada Somalia ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maareynta maaliyada dalka ee (PFM) iyo siyaasadda xukuumadda ee nidaamka shaqaalaha u xoogsi-taga waddamada dibadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya