4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Madaxweynaha Jubaland oo dalbaday in la laalo Qodobo ku jira Dastuurka Maamulka Jubbaland


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa warqad codsi ah u gudbiyay baarlamanka Jubaland, taasoo uu uga dalbanayay in la laalo qodobo dastuurka Jubbaland ka mid ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in la laalo qodobada 44-aad iyo 45-aad ee ku jira Dastuurka Jubbaland, kuwaasoo dhigaya in tirada wasiirrada Jubbaland ay Noqonayso 15-wasiir iyo Qodobka kale oo isaguna dhigaya in Hal madaxweyne ku-xigeen uu Maamulku yeelanayo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa codsaday in tirada madaxweyne ku xigeenada laga dhigo labo, halka qodobka kale ee wasiirrada uu codsaday in laga dhigo mid furan.

Kulan ay xarunta caymiska magaalada Kismaayo ku yeesheen mudanayaasha baarlamanka Jubbaland, isla markaana uu Shir-guddoominayay - Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland loogu akhriyay warqaddii codsiga ahayd ee ka timid madaxweynaha.

Guddoonka baarlamanka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanku fadhi isugu imaan doono maalinta Sabtida ee soo socota si ay uga doodaan codsiga uu u soo gudbiyay madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday mudaneyaasha in kulankaasi ay soo xaadiraan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la filayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada oo muddo dheer laga sugayay inuu soo magacaabo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya