4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
Deegaanadii Puntland ee lagu Diriray oo Maanta Xasilloon iyo Is-rasaaseyn Saakay laga Maqlay


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ee Puntland ayaa la sheegayaa in maanta ay daggan tahay, inkastoo saakay laga maqlayay rasaas goobo ku dhow deegaanka Suuj ooo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.

Goobjooge ku sugan deegaannada Xeebaha Bari ee Gobolka Nugaal oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Rasaas goos-goos ah saakay laga maqlayay deegaanka SUUJ oo ka tirsan gobolka Nugaal.

“Saaka rasaas goos-goos ah oo socday laba saacadood ayaa lagamaqlayay deegaanka Suuj, waxayna u dhexeeyeen ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ee Suuj ku sugan… Askari Ciidanka Puntland ka tirsan oo uu dhaawac fudud soo gaaray ayaan aragnay, balse dhinaca Al-shabaab ma garan karno wax soo gaaray,” ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu goob-joogahani intaas ku daray in xoogagga Al-shabaab ay ku jiraan godad oo ay Rasaasta kasoo ridayeen saakay, inkastoo uu xusay in Xalaaddu ay maanta aad uga duwan tahay sidii ay shalay ahaayeen.

Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa iyaguna sheegay inay magacaabeen gudi gaar ah oo hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay weli qaybo ka mid ah deegaannada xeebaha gobolka Nugaal ku sugan yihiin.

Maamulka Puntland, ayaa sheegaty in dagaalkii sahalay ay Al-shabaab kaga dileen 13-qof, kaddib dagaal culus oo ciidamadooda iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ku dhow deegaanka Garmaal.

Ugu dambeyn, shacabka ku nool deegaannada xeebaha gobolka Nugaal ayaa la sheegayaa inay lasoo darseen xaalado cabsi ah, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya